Tuesday, October 17th, 2017

Xulka Kubada Kolayga Somaalia oo dadaal Xoogan Ugu Jira Hanashada Koobka Zone 5 ee ka Furmay Uganda.{Sawiro}.

Published on September 23, 2014 by   ·   No Comments   ·   2,120 Reads

Good7Xulka Kubada Kolayga ee dalkeena Soomaaliya ayaa Ciyaartiisii ugu horaysay waxaa uu la ciyaariyay dalka Uganda oo ah dalka Marti galinayo Ciyaarahan Zone 5.

Tartankan oo xalay ka furmay magaalada Kampala ayaa waxaa garoonka soo buux dhaafiyay Taageerayaasha labada koxood, waxaana ciyaar yahanada Xulka Soomaaliya ee Kubada Kolayga ay soo bandhigeen ciyaar wanaag, iyadoo dadkii ciyaarta kasoo qeyb galay ay aad ula dhaceen ciyaar wanaaga ay muujieen Ciyaartoyada metelayay Soomaaliya.

Waxaa furitaankii ciyaarta kasoo qeyb galay Safaarada ay Soomaaliya ku leedahay dalka Uganda, iyadoona ay wada joogeen dhamaan Dublumaasiyiinta Safaarada ka hawlgala oo uu hogaaminayay Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sh. Daahir.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxay labada kooxood ahaayeen kuwo isu dhibco dhow, ilaa laga gaaray dhamaadka ciyaarta markaas oo Xulka kubada Kolayga ee dalka Uganda ay ku hor mareen 10 dhibcood. Sidaana waxaa ku dhamaatay ciyaartii ugu horeysay ee Xulka kubada Kolayga ee Soomaaliya ay ciyaareen.

Ciyaartii labaad ayaa ciyaartoyda  Soomaaliya waxa ay caawo la ciyaareen dalka Kenya, Ciyaartan ayaa bilaabatay saacada bariga Africa markay ahayd 7:00pm,waxaana Ciyaartan aad u soo buux dhaafiyay Taageerayaal badan oo ka kala yimid dalalka bariga Africa, gaar ahaana dalka Uganda, waxaana is-qabsaday buuq iyo Sawaxanka ay taageerayaashu ku dhiiri gelinayaan kooxda Kubada kolayga ee dalkeena,waxaa ciyaartan ku dhamaatay 97-79 oo xulka Kenya ay guushu ku raacday,ciyaarta danbe ayaa xulka Soomaaliya waxa uu la ciyaari doonaa xulka Rwanda.

Sikastaba Wadamada Ka Qeyb Galaaya Koobkaan ayaa waxaa ka mid ah Uganda, Kenya, Rwanda iyo Masar.

Halkaan Ka Daawo Sawirada:        

 

Good2

Good1

Good201

Good1

Good2

Good4

Good5

Good7

Good8

Good10

Good12

Good19

Good21

Good22

Good23

Good24

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...