Waxaa Akhrisatay :231
Xiriirka kubada cagta wadanka Mareykanka MLS ayaa sheegay in kabtanka kooxda New York Red bulls Thierry Henry la ganaaxay hal ciyaar iyo sidoo kale lacag aan cadadeeda la sheegin kadib dagaal uu sameeyay.
Xidigii hore ee xulka France iyo kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa diilinta ganaaxa waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta kooxdiisa new york red bulls ay maalintii arbaca la yeelatay kooxda Sporting KC ayaa waxa uu si kas ah madaxa ugu dhuftay laacibka kooxda Sporting KC ee la yiraahdo Kei Kamara isagoona teesto xoog badan madaxa uga dhuftay.
Labada ciyaaryahan ayaa dhulka kuwada dhacay kadibna waxaa dhashay booq iyo dagaal dhex maray ciyaartoyda laba kooxda, kooxda New Yor Red Bulls ayaa ciyaartaa waxaa looga awood sheegtay 2-0
Henry ayaa xagaagan u dhaliyay kooxdiisa 13 gool waxa uuna seegi doonta ciyaarta ay maanta kooxdiisa la yeelan doonto kooxda New England Revolution.










