Waxaa Akhrisatay :2154
Cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ee da’doodu ka hooseyso 17-jirada oo guul ka soo gaaray ciyaartoyda wadanka Suudaan ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Ciyaar ka tirsaneed isreeb reebka da’yarta Qaarada Afrika oo ay magaalada Khartuum ee xarunta Suudaan kula soo cayaareen ciyaartoydaan dhigooda Suudaan ayaa waxay ku soo garaaceen 1-0.
Ciyaartoydaan ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho kuwoo dhoweeyay dadweyne badan iyo waliba masuuliyiin ka tirsan bahda ciyaaraha Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbaahinta kula hadlay tababaraha xulka Qaranka ee da’doodu ka hooseyso 17-jirada Tabare Max’ed C/dulle Fara yare wuxuuna sheegay in ciyaartoydaan ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan sidoo kalana ay guul soohooyeen.
Guushaan ay cayaartooyada Xulka Qaranka soo gaareen ayaa noqoneysa mid aan la iloobi doonin maadaama iyaga oo marti ah ay 1-0 kaga soo adkaadeen Xulka Suudaan oo ka mid ah xulalka Qaaradda Afrika lagu tixgeliyo dhanka kubadda cagta.
















Asc asxbta ku bada jecel wan idin salaamay kadib waxan ku faraxsanhy guusha ay no so hoyen walalahena qaranka somaliyed waxan idin leyahay hamblyo aniga waxn ahy qof joga gobolada waxna ad u jeclahy gubada cagta ee wa kas
Asc br.waxan jaclani lah inn sudan lokobadiyo 5-0 inn laatso in somalia aa ka qaabkalikarto prim
asc bahda ciyaraha ciyarti an badinay aniga ka qeyb galay fursadna uyeshay in dawado ciyartan wlh ninki dawan laha wu ila oyi laha kubada ay so bandhigen xulkena qirada ay udhelen
Way mahada sanyahin dhalinta wadankena nin walbana qaranka meelbu u jooga ee ha la difaacdo sharafta qaranimadena
waliba calanka johorada ah ha laga ilaaliyo jirka cunaya
Runtii waa arin aad loogu farxo guusha ay soo hoyiyen xulkeena
Asc wan ku faraxsanahay guusha somalia ay ka so gartay qaranka sudan lamana so kobi karo farxadayda