Xidigaha Xulkeena Soomaaliya oo ka Dukum Daakum ka dhigay Xulka Sudan+Sawiro

Dhaliye September 21, 2012 15

Waxaa Akhrisatay :2875
Xulka 17 jirada Dalkeena Soomaaliya ayaa guul taariiqi ah waxaa ay ka gaareen xulka Dalka Sudan ciyaar ka dhacday magaalaada Khartoum ee dalkaas taas oo kamid ah ciyaaraha Juunyerka CAF.

Taageerayaal badan oo labada Dal ayaa kasoo qaybgalay ciyaarta iyadoo dadka Soomaaliyeed ee Sudan ku nool ay garab istaag u muujiyeen Ciyaaryahanada Dalkeena Soomaaliya.

Ka hor inta Ciyaarta bilaaban ayaa waxaa Xiriirka Soomaaliya Iyo Sudan waxaa ay ku heshiiyeen in hal kulan oo kaliya la ciyaaro halka markii hore lagu balamay in labo kulan lagu kale ciyaaro Jabuuti oo Soomaaliya u matalaya Garoonkooda iyo Khartoum oo Xulka Sudan ay ku ciyaarayaan gurigooda.

Hadii Ciyaarta bar bar dhac ku dhamaan lahayd sida lagu balamay waxaa adkaan lahaa Xidigaha Soomaaliya lakiin bareejo iska dhaaf wiilasha Soomaaliyeed gurigooda ayay ku tumeen Xulka Sudan.

Goolka ayay Ciyaaryahanada soomaaliyeed dhaliyeen daqiiqadii 78 aad waxaana goolkaas uu ciyaarta ka dhigay in 1-0 ay ku badiyaan Xulka Soomaaliyeed ee 17 jirada.

Xidiga Goolka u dhaliyay Xulka Dalkeena waa Maxamad Cabdi Nuur maxamad Memo oo katirsan kooxda Jeenyo ee Muqdisho ka dhisan.

Sidee u aragtaa Guushaan ee Ciyaaryahanada dalkeena ay gaareen

15 Comments »

  1. Shaafici September 21, 2012 at 8:04 pm - Reply

    Run ahantii wa gul tariqiya ad ayana ugu faraxsanahay waxa leyahay somaliya guul waxalajogaa waqtigii e somalya guleysanlahayd

  2. Badmah September 21, 2012 at 8:50 pm - Reply

    masha alah waa farxad mida ugu qaalidan oo an ku farxo wiilasheena oo 22 sano kusoo jiray dagaal oo manta ka badshay wadan intaasi oo sano ahaa dowlada buuxda waxan leeyahay waa waqtii ay somalia is garabsan lahayd oo gacmaha is qabsan laheen si aan caalamka ugu wada guuleysano

  3. cabdisalaan September 21, 2012 at 8:58 pm - Reply

    maasha allah waa guul taariikhi aad ayaana ugu faraxsanahay waxan leenahay dadaala sii wada guusha

  4. Ali abdi ali September 21, 2012 at 9:26 pm - Reply

    Asc dhaman wan idin salamaa inta jecel kubada cagata gar ahan tagerayasha xulkena qaranka mida, dhanka kale waxaan ku darsan gooshan ay dhalin yaradena soo hooyeen waa mid ay ku soo nolatay moralkena bartay mar walbo in xulkena goldarada ay cado u noqoto waxaan leeyahay wada goshad cagta sarten dhalin yaro ee ha ka cajisinina anaga ducada un ban haynayna thanks

  5. somaliweyn September 21, 2012 at 9:53 pm - Reply

    asc dhaman somaliweyn maasha’alah waa guul tariikhi ah waxan aad ugu faraxsanahay gusha ey sohoyen gesiyasha somaliyed

  6. zaki lfc September 21, 2012 at 10:36 pm - Reply

    aadbaan ugu faraxsanahay guusha wiilasheyna somaliyeed sudan waa na yaseen lkn waaba ka badinay

  7. Khaalid September 22, 2012 at 7:51 am - Reply

    Wa waalin tariiqi ah waxa dib uso celisen sharafti iyo karamadi .

  8. Deko yare September 22, 2012 at 1:32 pm - Reply

    Waaaaaaaaaaw farxad iga dhe marhadey wiilashenu aybadiyen waa arin farxadle waxan leeyahay guuleysta

  9. maxamed ilmi barre September 23, 2012 at 10:09 pm - Reply

    asc walaal aniga waa ku farax sanahay wlhi aniga hadaan nahay dhalin yarada riyaad joogta waana ku mahadsan yihiin walaalahiin kul somaliya ha is racdo by

  10. Awil September 25, 2012 at 8:28 am - Reply

    Waa farxad aad u weyn waana mid kicineysa darenka qof walba ee somali leyahay waxaana ku taageeraya guusha ay na gaarsiyen da’yartani waxana tan hays raacsiinina ee waxaad niyada weydiisan iney kento xalkii aad europe kaga guuleysan lahyden waliba wadamada banoniga caan ku noqday sida spain oo hada ah hogaanka kubada cagta ee dunida lehna xidigaha dunida ugu qaalisan ee car carta hada kawada wadamo kala duwan

  11. fu'ad September 30, 2012 at 11:48 am - Reply

    masha allah wafarxad usohoyatay dhaman shacabka somaliyed mel walba ayjogan waxanleyahay ciyartoyda qaranka somalia dadala qofki dadalahi wuhelaye

  12. Xasan laki October 18, 2012 at 8:29 pm - Reply

    A.s.c aadban uku faraxsanahay waa guul tariqi ah oo uso hoyatay dhaman umada somaliyed dhaman waxan leyahay hanbalyo somaliyey farxad ku nolada qeyr bdn byyyy

  13. Cazam November 18, 2012 at 1:52 pm - Reply

    Xulka somalia wa hawiye maxan ka rapa argtidisa

  14. Super star November 20, 2012 at 7:53 am - Reply

    Wa runta saxib waxa larawa in lawadago gusha lakin hadi ladhoho hawiye unba socanbixi masurtagaleyso aniga waxan ahay captian lakin nasib xumo majogo somalia hadan jogilahana mesi wankadarnan laha inkasto dad igalacibsan lahelayo mesi kadaran mawa lasoqadanayo dadkas markasa lagabadin hadhowna waxa ladhihi somalia laga badiyay oh! My god how can we do

  15. ilyaas xaali November 20, 2012 at 10:39 am - Reply

    waa guul farxad badan nabada dalkena ifafalna u ah. Waqti yar kadib insha’allah halka jabuti ay ku ciyaran wiilashena markaan waa xamar.

Leave A Response »