Wigan oo amaah kusoo qaadatay weeraryahanka da’da yar ee Man United

Dhaliye January 2, 2013 2

Waxaa Akhrisatay :938
article-2198679-14D94E84000005DC-464_634x463

Ciyaaryahanka da’da yar ee u dhashay wadanka Chile Angelo Henriquez iyo kooxda Manchester United, ayaa maanta u amaahugu wareegay kooxda Wigan Athletic ilaa iyo xilli ciyaareedkan dhamaadkiisa.

Halka Roberto Martinez tababaraha kooxda lagu naanayso “Latics” uu aaminsanyahay in Henriquez (18 jir) uu wacdaro ka muujin doono DW Stadium.

Roberto waxa uu yiri “aadban u xiisaynaya Angelo sababto ah gool dhaliye aad u maskax badan difaacana badana ka yaabiya, waan daawaday ciyaaraha yaryar-ka Manchester United halkason ayaamahanba ku daba jiray ciyaaryahankan”

“waan filaya inuu la qabsan doono Premier League, waxna kusoo kordhin doono weerarkayaga”

Henriquez oo la filayo inuu bilawdo xirfadiisa kubadeed ee kooxdiisa cusub markay wigan la ciyaari doono Bournemouth koobka FA Cup wareegiisa saddexaad.

Martinez waxa uu ku daray “wan hubaa in taageerayaasha Wigan soo dhawayn doonan Angelo maalinta sabtida, waxanan u diyaarin doona fursad fiican si uu ula qabsado kubada ingiriiska taaso mid adag ah isla markana mid xiis0 badan ah”

2 Comments »

  1. Abdirahman January 2, 2013 at 2:07 pm - Reply

    Aadan u gu faraxsanahay inuu amaah ku aado wigan

  2. Masaari January 3, 2013 at 7:10 am - Reply

    Iska aad wigan waxad u danbeysa man adban ugu farax sanahay inow helo lenaab

Leave A Response »