Ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Inter Milan Wesley Sneijder ayaa sheegay inuu ku biiraayo horyaalka Ingiriiska koox ka dhisan isla markaasna uu jecel yahay inuu u ciyaaro koox weyn.
Wakiilka Wesley Sneijder oo lagu magacaabo Soren Lerby ayaa u sheegay warbaahinta in xidiga uu wakiilka ka yahay uu doonaayo inuu u dhaqaaqo horyaalka ingiriska bisha January oo suuqa kala iibsiga uu furan yahay maalintii 5-aad.
Tababaraha kooxda QPR Harry Redknapp ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahan Wesley Sneijder laakin wakiilka xidigaas ayaa sheegay in Wesley Sneijder uu diiday inuu ku biro koox yar laakin kooxaha waaweyn ee horyaalka ingiriiska uu ku biiri doonno.
Wakiilka Wesley Sneijder ayaa xaqiijiyay in xidigaas qadka dhexe ee xulka Holland uu labada todobaad ee ugu horeeya uu ku biiri doonno kooxaha ingiriiska.
Man utd,Man city ayaa ilaa haatan la xaqiijiyay inay u hanqal taagayaan ciyaaryahanka qadka dhexe oo ah mid kamid ah xidigaha ugu wanagsan caalamka kuwoodii qadka dhexe.
Wesley Sneijder oo 28 jir ah ayaa lagu wargaliyay inuu dhimo mushaarada uu a qaato kooxda waxaana xidigaan tan iyo 25-ki September ee sanadkii hore uusan ciyaarin.
Kooxaha Ajax, Bayern Munich, Monaco,iyo Anzhi Makhachkala ayaa sidoo kale doonaya.












Kkkk manchester united wa riyo balse mancity wa caadi
kkkkkkkkk meesha uu niyada ku haayo waa layaqaana lkn waqtigii laga xiisey naayay isagaa diiday marka haku taagnatooooooo
Abooooooo arsinal imaaaaaw