Weeraryahankii Sayidil Cajuus Alessandro Del Piero oo ku biiray kooxda Sydney FC

Dhaliye September 6, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :487
Weeraryahankii hore ee kooxda Cajuusta Alessandro Del Piero ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Australia ee Sydney FC.

Labada Sano ee Soo aadan ayaa Del Piero waxaa uu ku qaadan doonaa inta yar ee ka harsan gabowgiisa Dalkaas waxaana Weeraryahanka Italy uu ku farxay inuu soo afjarmo heshiiska uu ugu biirayo kooxda Sydney.

Waxuu rajeynayaa Weeraryahanka Sayidil Cajuus Ama Juventus in Nolal Cusub uu ku qaato Australia,Isagoo sidoo kale u rajeeyay dadka dalkaas inay jeclaadaan kubada cagta.

“Labada Sano ee soo socota  Aniga waxaana ahay ama aan joogayaa Australia,aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku biiro Sydney ayuu ku yiri shir jaraa’id uu qabtay.

Alessandro Del Piero ayaa carabaabay inaysan hoos u dhac ku imaan doonin kubadiisa Sidii uu ku ahaa Juventus uu Mid lamid ah ugu ciyaarayo Sydney FC.

Leave A Response »