Tababaraha naadiga manachester united “Sir Alex Fergusan” ayaa cadeeyay in ciyaaryahanka Luis Antonio Valencia uu ka maqnaan doono ciyaarta derby Manchester maalinta axada soo socota lagu ciyaari doono garoonka city ee Etihad stadium ciyaaraha wareega 16aad ee premier league.
Waxa kale oo ka maqnaan doona ciyaartan labada ciyaaryahan ee qadka dhexe uga ciyaara “Cleverly iyo Anderson” dhaawacii soo gaadhay ciyaarihii Reading iyo Cluj awgeed .
Hadana waxa soo baxaya warar farxadleh oo sheegaya in labada ciyaryahan ee Vidic iyo kagawa ay kusoo laabteen ciyaarihii kuwaaso inbadan dhaawacnaa,halka uu nani wali uu kasii maqnaan doono ciyaaraha wiigaga dambe ee soo socda











