Waxaa Akhrisatay :450
Kooxda k/cagta Tottenham ayaa soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabtay ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda FC Porto ee Joao Moutinho.
Tababaraha Tottenham Andre Villa-Boas ayaa u safray dalka Faransiiska si uu u daawado ciyaaryahanka lagu qiimeeyo 24 milyan ee Joao Moutinho kulan ay Porto Talaadadi la ciyaaraysay PSG oo 2-1 looga badiyay FC Porto.
Tottenham ayaa ku fashilantay inay bixiso lacagaha tirada badan ee lagu doonaayo ciyaaryahanka caalamiga wadanka Portugal ee Joao Moutinho intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada.
Sida ay qortay jariiradda Mirror Tottenham ayaa doonayso inay January lasoo wareegto Joao Moutinho qiimo kasta oo macquul ah inkasto kooxdiisa Porto ay ku doonayso lacago dhan 24 milyan oo gini.
“waa daawaday ciyaaraha Joao Moutinho waana mid leh xirfad wanaagsan waxana si gaar ah u daawaday ciyaaro ay kooxdiisa kaga horjeeday Man city iyo kulankii todobadkan ee PSG ay la ciyaareen ayuu yiri Tababare Villa-Boas.
Dhinaca kale macalinka Tottenham ayaa beenisay inay fasaxayso goolhaye Brad Friedel oo ay xiiseenayso kooxda Blackburn.
Goolhayaha reer France Hugo Lloris ayaa kusoo bilaawday shantii kulan ee ugu dambeysay ay kooxda ciyaartay iyadoo goolhayah 41 jirka ah ee Friedel uu waayay boos uu ka ciyaaro.










