Tobanka Xidig ee u sharxan Abaalmarinta laacibka Africa oo lagu dhawaqay

Dhaliye November 5, 2012 11

Waxaa Akhrisatay :1921
Xiriirka kubada Cagta ee Africa  Caf ayaa soo bandhigay Xidigaha u sharxsan Abaal marinta Sanadka 2012 Geesiga ugu fiican Qaarada Africa ama laacibka ugu wanaagsan.

Liiskaan oo ah Toban Ciyaaryahan waxaa ku biiray  Sagaal Ciyaaryahan oo kale Xidiga qadka dhexe ee Manchester City Yaya Toure,iyadoo ciyaaryahanada Tobanka ah la sii kala saari doonaa oo waxaa laga soo reebi doonaa Sadax Xidig kadibna hal.

Sadax Ciyaaryahan oo u dhashay dalka Maroodiyaasha Africa ayaa ku jira liiskan Sida Yaya Toure , Gervinho oo Arsenal ka tirsan iyo Waliba ninka labada jeer Abaal marintaan ugu guulaystay ee Didier Drogba .

Xullka Ivorians ayaa Si cariiri ah waxaa koobka Africa Cup of Nations ugu qaaday Xulka lagu magacaabo Zambia rigoorayaal loo dhigay.

Waa kuwan Liiska Xidigaha 2012 u sharxan ABaalmarintan magacooda iyo Dalkooda

Alexander Song, Cameroon

Andre Ayew, Ghana

Christopher Katongo, Zambia

Demba Ba, Senegal

Didier Drogba, Cote D’Ivoire

Gervinho, Cote D’Ivoire

John Obi Mikel, Nigeria

Pierre-Emerick Aubameyang, Gabon

Yaya Toure, Cote D’Ivoire

Younes Belhanda, Morocco

11 Comments »

  1. Khadarnuur November 7, 2012 at 10:31 am - Reply

    Waxaa kuguulysan drogba

  2. Idiris axmad abdalla (j.willshere) November 8, 2012 at 1:55 pm - Reply

    Xidiga africa waxa ku guuleesan doono krestopher katongo

  3. Idiris axmad abdalla (j.willshere) November 8, 2012 at 1:56 pm - Reply

    Xidiga africa waxan u saadaalinayaa zambian striker cristopher katongo

  4. Macaane bashiir November 17, 2012 at 12:01 pm - Reply

    Waxa gulesanaya in sha alaah ciyaryahanada islamka ah

  5. Rizka November 18, 2012 at 4:13 am - Reply

    Aniga xidiga africa waxan ugu codayn laha yaya toure wayo wa lacib khadka dhaxe hada dawato ciyartisa runti wad u bogi

  6. Alcadala November 19, 2012 at 2:14 am - Reply

    Runti ani ahantey waxan si lahay xidiga qadka dhaxe e man city yaya toure wu dhameystiranyahay

  7. Fa November 20, 2012 at 6:20 am - Reply

    Waxaa ku guuleysana man city
    yaya

  8. Shiiqa November 20, 2012 at 7:55 pm - Reply

    Yaya youre ayaa ku leh aqyaarey

  9. Aweys cabdulle xuseeen November 22, 2012 at 11:13 am - Reply

    Asc aqyaarta runtii aniga laacibka africa waxaan siinlahaa ama aan ucodayn lahaa xidiga qadka dhexe yaya toure mancty u ciyaara waan xidig aad uwanaagsan kuna fiican in lasiiyo laacibka africa waana libaaxa africa ay kufaanto yaya

  10. maxamad yaya November 23, 2012 at 11:37 am - Reply

    Waxan sinla haa yakale hee waa willK ena. Ya YA TU TURE

  11. M.A.M November 30, 2012 at 9:08 am - Reply

    Waxaa ku guuleysanaya insha’allah ciyaaryahanka reer maroocco ee ka ciyaara horyaalka france “Yoonis bilhanda”

Leave A Response »