Naadiga Chelsea ee wadanka England ayaa cadeeyay in Captain-ka kooxda “John Terry” ka maqnaan doono koobka aduunka ee naadiyada ee lagu qaban doono Japan, ciyaaryahankan oo ka maqnaa finalkii champions league ka dib markii uu qaatay kaadhka guduudan ciyaarti Barcelona, imikana maqnaan doona ciyaaraha koobkan.
Dhanka kalena waxa ay kula taliyeen dhakhaatiirta naadigu inanu la safrin kooxda ilaa iyo inta u ka soo kacayo dhaawaciisa u ku dhaawacmay jilibka, dhawacan oo so gaadhay ciyaarti ay la ciyaaren kooxda Liverpool bishii hore.
Mar uu ka hadlay tababraha koxda Chelsea Rafa Benitez ayaa waxa uu sheegay “wan la hadlay dhakhtarka isagoo cadeeyay in la safarka uu koxda la safraya u keeni karo dhaawaca oo kasii xumaada, mana garanayn xiliga uu ka soo kacayo se wanu sugi oo waanu eegi bal intay qadanayso”











