Tababare Fergusen oo doonaya inuu kaga adkaado kooxaha kale saxiixa Zaha.

Dhaliye December 9, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :329
Tababaraha kooxda Man utd sir Alex Fergusen ayaa sheegay inuu doonayo inuu kusoo cago dhigo lacago dhan 10 milyan ciyaaryahanka garabka kooxda Crystal Palace.

Xidiga lagu magacaabo Wilfried Zaha ayaa waxaa doonaya naadiyo badan oo ka dhisan yurub kuwaas oo ku dagalamaya saxiixa ciyaryahankaan da’da yare e sida weyn kubadda u maamula.

Kooxda Crstale Palace ayaa doonayso inay dhagaysato codsiyada kaga imaanaayo kooxaha doonaya Wilfried Zaha kuwaas oo si weyn isha ugu haayo horumarka xidigaan uu sameenayay dhawaanahaan.

Wilfried Zaha wa 20 jir waxaana Man utd ay doonaysa inay la wareegto January marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartooyda uu dib u furmo.

Man utd waxay doonaysa in marka ay la wareegto Wilfried Zaha bisha Janaayo ay inta ka harsan xilliga uu u sii ciyaaro kooxdiisa waana mid ay sameeyeen sanadkii 2010 markii ay lasoo wareegayeen Chris Smalling oo ay kooxda Fulham kala wareegeen.

Si kastaba xidigaan Wilfried Zaha ayaa waxaa doonaya kooxaha  Man utd,Man city,Arsenal,Liverpool,iyo Real Madrid kuwaas oo dhamaan ku dagaalamaya xasiixa xidigaas.

Leave A Response »