Tuesday, October 17th, 2017

Taageerayaasha Xulka Qaranka Chile oo weerar u gaystay Messi (Daawo Video)

Published on July 8, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,349 Reads

 

Reerka Lionel Messi ayaa aflagaado iyo weerar kala kulmay taageerayaasha xulka Chile intii ay socotay ciyaartii Finalka Copa America uu ku guuleystay xulka Chile.

 

Waxaa dhawaan la soo bandhigay muuqaal caddeynaya weerarkii ay taageerayaasha Chile u geysteen reerka xiddiga Barcelona ee Messi.

 

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqanaya Rodrigo ee la dhashay Messi iyo hooyadii oo dagaal afka ah la galay taageerayaasha dulmiyay ee xulka Chile.

 

Sidoo kale taageerayaashan ayaa aflagaado u geystay reerka weeraryahanka Sergio Aguero, waxa uuna dhawaan qiray aabaha Aguero weerarka ay reerka Messi kala kulmeen taageerayaasha Chile.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...