Waxaa Akhrisatay :1812
Taageerayaasha kooxda Ac Milan ayaa ku oriyay kuna qayliyay macalinka kooxdaasi Massimo allegri kadib markii salay lagu garaacay garoonka San Siro iyagoona dalbatay inuu ka tago kooxda.
Ac Milan ayaa xalay guuldarro lagu huwiyay garoonkeeda San Siro kadib markii kooxda Atlanta ay Gool waxba ugu awood sheegatay taasoo keentay in ay aad u caroodaan taageerayaasha kooxda Milan kuna fooriyaan macalin Massimo allegri iyagoona sheegay in hab ciyaareedka macalinka uu noqday mid koox walba oo Milan ka hor imaaneyso ay tahay mid taqaan hab ciyaareedka macalin iyo ciyaartoyda uu garoonka lasoo galayo.
Macalin Massimo allegri oo saxaafada la hadlay ciyaarta kadib ayaa sheegay “ In lagaaga badiyaa garoonkaada iyo taageerayaashada dhexdooda waa arin aan wanaagsaneyn , waana fahmi karaa hadalada taageerayaasha iyo sida ay wax u rabaan , waxaan isku dayi doonaan inaan xaliyo dhibaatada si deg deeg”










