Spain Oo Weli Ku Dhagan Kaalinta 1-aad iyo Soomaaliya oo Horumar Sameysay

Dhaliye September 5, 2012 3

Waxaa Akhrisatay :2855
Bilowga Bil walba xul walba oo kubada cagta ah wuxuu sugaa Sidii uu ku ogaan lahaa halka uu ka uu ka joogo qiimeynta bilaha ah ee Xariirka Kubada Cagta Aduunka FIFA.

Sida dhawaanahay Caadada Noqotay Xulka uu hogaaamiyo Macalin Vicent del Bosque oo ah xulka hogaanka u ah qaarada yurub iyo Aduunka ayaa xajistay Kaalinta 1-aad waa xulka Spain, waxaana Soo raacay oo Kaalinta 2-aad adkeystay Xulka Qaranka Wadanka Germany, laakiin arinta wali lala yaaban yahay ayaa ah xulka bishii hore soo galay kaalinta 3-aad ee England ayaa wali wuxuu wuxuu ku dhagan yahay booskiisii.

Waxaa Jira xulal adkeystay boosaskodii, laakin labada Xul ee Uruguay iyo Portugal ayaa boosaskoodii isku badashay, ayadoo xulka Portugal oo usoo talaabay kaalinta 4-aad, halka xulka Uruguay asaga uu hal boos dhib u dhacay asagoo galay kaalinta 5-aad.

Dhanka Qaarada Africa waxaa hogaanka u haya xulka galbeedka Africa ee  Ivory Coast oo soo cariirsaday kaalinta 16-aad, halka Qaarada Asia uu hogaanka  u hayo xulka Japan kaasoo ku jira kaalinta 23-aad.

Xulka Qaranka Wadanka Sacuudiga ayaa wali wada hoos u dhacii uu waday bilihii lasoo dhaafay asagoona bishan soo galay kaalinta 105-aad.

Arinta Lagu farxo ee bishaan ku cusub Qiimeynta Bilaha ah ee FIFA ayaa ah xulka Qaranka Wadankeena Soomaaliya uu sameeyay horumar wanaagsan asagoona soo galay kaalin lagu farxo marka loo eego Sanadadii lasoo dhaafay, Xulka Qaranka Dalkeena Soomaaliya ayaa Bishan soo galay kaalinta 187-aad asagoo kor usoo kacay ilaa 4 darajo.

Rnk Team Pts +/- Pos
1 Spain 1617 0 Equal
2 Germany 1437 0 Equal
3 England 1274 0 Equal
4 Portugal 1232 1 Up
5 Uruguay 1217 -1 Down
6 Italy 1174 0 Equal
7 Argentina 1121 0 Equal
8 Netherlands 1044 0 Equal
9 Croatia 1020 0 Equal
10 Denmark 1006 0 Equal
11 Greece 1001 1 Up
12 Brazil 996 1 Up
13 Russia 990 -2 Down
14 Chile 984 1 Up
15 France 965 -1 Down
16 Côte d’Ivoire 912 0 Equal
17 Ecuador 890 3 Up
18 Sweden 875 -1 Down
19 Czech Republic 869 0 Equal
20 Switzerland 847 3 Up
21 Mexico 845 -3 Down
22 Colombia 843 -1 Down
23 Japan 793 -1 Down
24 Slovenia 784 9 Up
25 Australia 778 -1 Down
26 Republic of Ireland 768 0 Equal
27 Korea Republic 763 2 Up
28 Algeria 734 6 Up
29 Paraguay 728 -2 Down
30 Bosnia-Herzegovina 717 1 Up

Halkaan Waa Qeybta Uu Ku Jiro Xulka Dalkeena Soomaalia

Rnk Team Pts +/- Pos
181 Cayman Islands 65 -5 Down
182 Mongolia 55 1 Up
183 Myanmar 52 1 Up
184 St. Lucia 50 3 Up
185 Eritrea 45 2 Up
185 Guam 45 -1 Down
187 Somalia 43 3 Up
188 Cambodia 42 3 Up
189 British Virgin Islands 40 2 Up
190 Comoros 39 3 Up
190 Seychelles 39 -1 Down
190 Swaziland 39 -9 Down
193 Laos 38 1 Up
193 Papua New Guinea 38 -7 Down
195 Cook Islands 28 1 Up
196 Djibouti 24 2 Up
197 Kyrgyzstan 20 -1 Down
197 South Sudan 20 2 Up
199 Andorra 15 1 Up
200 Macau 13 1 Up
200 Mauritius 13 -6 Down
202 Brunei Darussalam 5 0 Equal
203 Anguilla 4 0 Equal
204 Mauritania 3 -1 Down
205 Timor-Leste 2 0 Equal
206 Bhutan 0 0 Equal
206 Montserrat 0 0 Equal
206 San Marino 0 0 Equal
206 Turks and Caicos Islands 0 0

 

3 Comments »

  1. Ahmed mohamed hassan [baabiinka] November 4, 2012 at 2:34 pm - Reply

    asc dhaman bahda isbortiga shabakada dhaliye.com hadan u gudbo fikirkeyga waa sida tan: waaaaaaw masha allah wlh waa wax lagu farxo insha allah inta dhimane wan dhamestiri donaa

  2. Abdulahi ali mohamed December 9, 2012 at 3:06 am - Reply

    Waxa layaab leh ano jogo papua new genuine inan arko somalia oo qimeynta fifa ka saramartay wadankan an jogo png guuleysta yaal dadaalkina mesha kasi wada

  3. Ibrocade February 26, 2013 at 7:15 pm - Reply

    Waxan leyahy somalia ha guuleysata

Leave A Response »