Waxa uu noqday mustaqbalka ciyaryahanka qadka dhexe uga ciyaara nadiga Inter Milan Wesley Sneijder hadalka saxaafada baryahan ka dib markii uu diiday inuu heshiis cusub u saxeexo nadigiisa mushaharkana dhimo, halkaasu nadigu ugu jawaabay inaan la ciyaarsiin ciyaaraha.
Madax waynaha naadiga Inter Marco Branca waxa uu cadeeyay inaanu ciyaari doonin Sneijder ilaa iyo xall laga gaadhayo arinkiisa,arintaaso uu raaciyay tababaraha naadiga Inter Andrea Stramaccioni in soo kaxaysiga iyo ciyaarsiinta laacibku ku xidhantahay masuuliyiinta naadiga Inter.
Laacibkan reer Holland waxa lagu tuhmayay saacadihii ugu dambeeyay inuu u wareego nadiga Fenerbahçe ee wadanka Turkey halkaso uu ka ciyaaro saaxiibki Dirk Kuyt kaaso ku guubaabiyay inuu ku soo biiro nadigan Fenerbahçe,se saxaafada kasoo baxda wadanka Holland oo cadaysay mar dhawayd in Sneijder diiday.
Halkeedana jariirada kazoo baxda wadanka England ee Daily Star ayaa cadaysay in naadiga Manchester united ay ka baxeen tartankii ay ku doonayen ciyaryahankan Sneijder inkastoo uu sir Alex Fergusan si ba’an u doonayay xagaagii 2011,taaso u sahlaysa in naadiga Manchester city soo iibsan karo ciyaryahankan.












I am Sorry Wallahi Waxaan jeclaa Lahaa Si Dhaqsi ah Gartiisa loo Dhameeyo Garomada Dib Ugu Soo laabto Xidigaan