Si Toos ah ula Soco Wararkii ugu dambeeyay Suuqa kala iibsiga+Riix marwalba si aad u aragto waxa soo kordhay+Sawiro

Dhaliye August 31, 2012 3

Waxaa Akhrisatay :4185

Heading home: Van der Vaart has rejoined Hamburg from Spurs

Akhristayaal Habeen wanaagsan waxaan sitoos ah aan idinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga.

Marwalbo soo gal si aad u aragto waxii soo kordha,Warbixinada ugu dambeeyay hadii aad doonayso Hoos ayaa ka arkaysaa hadii ay aad doonaysana bilow iyo dhamaad ayaa ka aqrisan kartaa xidigaha wareegay iyo muuqaaladooda.

Kooxda Manchester Citay ayaa qarka u saaran inay lasoo wareegto Xidiga Inter Milan Maicon.

£4million ayaa lagu qiimeeyay in Daafaca Inter Milan inuu ugu dhaqaaqo kooxda City.

AC Milan ayaa si rasmi ah waxaa ay ula soo wareegtay Xidiga qadka dhexe ee Man City De Jong.

Scott Sinclair ayaa waxaa Si rasmi ah uu ugu biiray kooxda Manchester City oo baadi goob ugu jirtay,waxaana ay kula soo wareegtay £6.2million.

Manchester City ayaa ku dhow heshiis Xidiga dhexda ka ciyaara ee Javi Garcia oo  £20miliion ay kula wareegi doonto.

Giovani dos Santos’s aya waxaa dhamaaday xiligii uu lasii jooga lahaa Tottenham waxaana uu heshiis Afarsana ah uu ugu biiray kooxda Real Mallorca.

Kooxda Tottenham ayaa £22million waxaa ay kula wareegtay Xidiga dhexda ugu ciyaaro kooxda FC Porto Joao Moutinho,ilaa iyo hada majiraan faah faahint intaas dhaafsan lakiin waa la xaqiijiyay.

Laacibka Liverpool  Adam ayaa si rasmi ah waxaa uu ugu biiray kooxda Stoke City.

ARSENAL

Park Chu-young: Has joined Celta on a season-long loan with a view to a permanent deal

Chu-Young Park -oo ka tirsanaa kooxda Arsenal  ayaa si amaah ah waxaa uu ugu biiray kooxda  Celta Vigo .

Maicon: Has agreed a move to Manchester City, according to his club Inter Milan

Inter Milan ayaa galabta Xaqiijisay in Daafaceeda Brazil Maicon uu ku biiray kooxda Manchester City,heshiiska labada koox waa uu dhacay lakiin lama faah faahin lacagta lagula wareegay.

Thorgan Hazard oo xagaagan ay lasoo wareegtay kooxda Ingiriiska ee Chelsea ayaa Chelsea katagay waxaana uu ku biiray kooxda SV Zulte Waregem oo si amaah ah ayuu ugu ciyaarayaa.

Kooxda Manchester City ayaa si lama filaan ah waxaa uu u dalbatay Weeraryahanka Barcelona David Villa,waxaana ay ku raja wayntahay inay kula wareegto ilaa iyo caawa £40 ilaa £50 million.

Van der Wiel  ayaa si rasmi ah waxaa uu ugu biiray kooxda PSG.

Daafaca dambeedka Midi gee Ajax Gregory van der Wiel ayaa heshiis la gaaray kooxda France.

Bastos ayaa laga yaabaa inuu ku biiro kooxda Fulham oo  €9 million miiska u saartay kooxda Lyon si ay ugula wareegta Xidiga Brazil.

To be Frank: Van der Vaart poses with sporting director Arnesen and his new Hamburg shirt

Kubad qaabeeyaha kooxda Tottenham Rafael van der Vaart ayaa ku biiray kooxda Hamburg waxaana la gudoonsiyay Fanaanada ay kooxda ku ciyaarto iyo lambarka uu kooxda ka xirin lahaa sanadkan.

Kooxda Fulham ayaa ku dhawaaqday saxiixa Weeraryahanka kooxda Manchester United Dimitar Berbatov oo sadax koox ku sigtay inuu ku biiro ayaa si kamadambays ah waxaa uu ugu biiray Fulham.

Great Scott! Sinclair has joined champions Manchester City from Swansea

Xidiga Scottishka ee Sinclair ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Manchester City waxaana la gudoonsiiyay No 11.

Getting shirty: Richardson has moved south to join Martin Jol at Fulham

Kieran Richardson ayaa ka tagay Sunderland waxaana uu si rasmi ugu biiray kooxda Fulham,waxaana 27 jirkaan horay ugu soo ciyaaray Manchester United uu qalinka uu ku duugay Sadax Sano oo heshiis ah islamarkaan waxaa la gudoonsiiyay Funaanada kooxda ay ku ciyaarto.

Manchester City ayaa heshiis la gaartay Xidiga qadka dhexe  ee kooxda Benfica Javi Garcia  oo garoonka  Etihad Stadium ugu wareegay for €22.6 million.

Done deal: Maicon is unveiled as a Man City player
Maicon oo Gaaray Magaalada Manchester halkaas oo uu u tagay inuu ku biiro kooxdiisa Cusub ee Manchester City waxaana la gudoonsiiyay maaliyada ay kooxda ku ciyaarto.
United front: Berbatov says he is excited about his future after joining Fulham
Dimitar Berbatov ayaa gaaray Garoonka Fulham oo waxaana la gudoonsiiyay Goordhow NO 9.
Italian job: Nicklas Bendtner has moved to Juventus on a season-long loan deal
Nicklas Bendtner Weeraryahanka kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah waxaa uu ugu biiray kooxda Juventus Dalka Taliyaaniga.

Waxaa la xaqiijiyay inuu si amaah ah uu ugu biiray kadibna heshiis rasmi ah ay lasaxiixan doonto.

Earning his Spurs: Lloris looks set to sign for Tottenham
Kooxda Tottenham ayaa soo afjartay heshiiska Goolhayaha kooxda Lyon Lloris .
War ay siidaysay kooxda Lyon ayaa lagu xaqiijiyay in Lloris uu u duulayo magaalada London si uu kooxdiisa cusub ugu qaybnoqdo.

Weereryahanka Manchester Uinted Michael Owen ayaa qarka usaaran inuu ku biiro Stoke,warkaan ayaa goordhow soo dhacay waxaana loo badinayaa inuu ku biiro.


Club record: Pablo Hernandez has joined Swansea for £5.5m
 Kooxda Swansea ayaa £5.5million ku xaqiijisay la wareegida Xidiga lagu magacaabo Pablo Hernandez,goordhow ayaa la gudoonsiyay Maaliyada ay kooxda iska leedahay.

Stalling: Joao Moutinho's move to Fulham has hit a snag
Joao Moutinho Wiilka Portugal u dhashay oo lagu waday inuu ku biiro kooxda Tottenham ayaa fishilmay heshiiskii uu ugu biiri lahaa waxaana laga yaabaa inuu ku biiro kooxda Fulham.

Weeraryahankii hore ee Livepool Ryan Babel ayaa dib ugu noqday oo ku biirayba kooxda Ajax  si xor ah kadib markii heshiiskii uu kula jiray kooxda Hoffenheim uu dhamaaday.

Gael Kakuta  ayaa ku biiray kooxda Vitesse Arnhem isagoo ka tagay kooxda Chelsea maadaama si amaah ah lagu siiyay kooxdaas.

Javier Saviola: Malaga bring the Argentina international back to La Liga

Kooxda Malaga ayaa ku dhawaaqday heshiiska Weeraryahanka Benfica Javier Saviola.

30 Jirkaan Weerarka ah ayaa ku biiray Benfica 2009 kii markii uu €5million ay la soo saxiixatay xiligaa Real Madrid.

Nathaniel Chalobah: Joins former Chelsea boss Gianfranco Zola until JanuaryDaafaca kooxda Chelsea Nathaniel Chalobah ayaa ku biiray kooxda  Watford Si amaah ah ilaa sanadka 2013.17 jirkaanka ayaa ahaa kabtanka kooxda yar ee Chelsea ,Waa xidig u dhashay Sierra Leone.

Weeraryahankii hore ee kooxdo Juventus iyo Xulka Dalka Taliyaaniga Luca Toni ayaa ku biiray Fiorentino.

kooxda Bologna ayaa xaqiijisay Saxiixa Weeraryahanka Genoa striker Alberto Gilardino lakiin lama shaacin qiimaha lagu qaatay.

“Waan kala heshiinay Genoa Gilardino sidaas waxaa websitka kooxda Bologna ku xaqiijiyay Rossoblu.

Yossi Benayoun: Set for loan deal back to his former club LiverpoolKooxda Liverpool ayaa saacadaha soo aadan rajo weyn kaleh inay dib ula soo wareegto xidigeedii hore ee Yossi Benayoun.Si Amaah ah ayay doonaysaa in Livepool ay Chelsea caawa kala heshiiso 32 jirka Yahuuda.

Marco Borriello ayaa dib ugu biiray kooxda Genoa,isagoo ka tagay kooxda Roma.

Waxaa aad ugu faraxsanahay inaan dib usoo ceshano Weeraryahankeenii hore sidaas waxaa lagu xaqiijiyay Websitka kooxda.

Weeraryahanka kooxda Napoli Edinson Cavani,ayaa caawa qalinka ku duugay heshiis Cusub uu kula sii joogayo kooxdiisa.

Ilaa Sanadka 2017 ayuu ahaan doono Wiil reer  Napoli ah.

Kooxda Roma ayaa lasoo wareegtay goolhayaha Xulka Uruguay Mario Daniel waxaana ay kusoo qaadatay qaab amaah ah,Macalinka Roma Zdenek Zeman’s ayaa sanadkaan doonaya in Roma dib isugu keeno.

BREAKING NEWS: War hada soo dhacay ayaa sheegaya in kooxda Fulham  ay Liverpool   u diiday Ciyaaryahankeeda qadka dhexe ugu ciyaara ee  Clint Dempsey.

 

Done deal: Gaston Ramirez (left) has joined Southampton in a club record transfer

 Kooxda Bologna ayaa ku dhawaaqday kuna shaacisay Websitkeeda in Gaston Ramirez uu ku biiray kooxda England ee Southampton.

BREAKING NEWS: War hada soo dhacay ayaa sheegaya in caawa uusan kaqayb ahan liiska Ciyaaryahanada Chelsea laacibka lagu magaacabo Michael Essien ee caawa Ciyaaraya waxaana laga yaabaa inuu ku biiri kooxda Arsenal.

Kooxda Athletic Madrida ayaa Gool kala hormartay kooxda Chelsea oo ay kuwada loo lamayaa koobka Europe League oo Falcoa ayaa u dhaliyay Gool waana 1-0.

  • LIVE: Chelsea 0-1 Atletico Madrid

    LIVE: Chelsea 0-2 Atletico Madrid

    kooxda Athletico Madrid ayaa goolkeeda labaad ka dhalisay kooxda Chelsea markale waxaa shabaqa goolkiisa labaad dhex dhigay Geesiga Ciyaaraha Finalka ee Falcoa.

  • Xidiga kooxda Real Madrid Lassana Diarra  oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Portsmouth ayaa ku biiray kooxda Anzhi Makhachkhala.BREAKING NEWS: Hugo Lloris ayaa dhamaystiray Tijaabada Caafimaad oo umarayo kooxda England ee Tottenham .
  • Tan iyo 1977  Falcoa ayaa noqday Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee koobka Europe league Sadax Gool ka dhaliya markii haatan uu goolka Sadaxaad uu ka dhaliyay Chelsea,qaybtii koowaa ayaana dhamaatay ciyaarta.
  • LIVE: Chelsea 0-3 Atletico Madrid

  • Nicklas Bendtner oo goordhow Shirjaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu ku biiray koox ugu weyn kooxaha Italy kadib markii si amaah ah Arsenal ay ku siisay kooxda Juventus.Waxaa uu ka dagay Magaalada Turin oo masuuliyiinta kooxdiisa Cusub ayuu lahadlay.
  • LIVE: Chelsea 1-4 Atletico Madrid

  • Chelsea oo Xaalka uu ku siii xumaanayo markii uu goolka Afaraadd uu ka dhaliyay Miranda ayaa waxaa gool u keenay Cahail.

  • Medical: Javi Garcia (left) arrives at Man City ahead of his proposed deal
    Javi Garcia ayaa tagay Magaalada Manchester Waxaana uu tijaabo Caafimaad uu U maray kooxda Manchester City.

                           Chelsea 1-4 Atletico Madrid

  • kooxda Spain oo hanatay koobka Supper Cup markii ay katalaabtay Chelsea.

3 Comments »

  1. Adan August 31, 2012 at 7:46 pm - Reply

    Man united suqa kumajirto miya

Leave A Response »