Tuesday, August 22nd, 2017

Sheikha oo warqad ashtako ah u diray XSKk

Published on June 1, 2014 by   ·   No Comments   ·   2,547 Reads

Macalinkii hore xulka qaranka kubadda kolayga Soomaaliya  Cabduqaadir

Xaaji daahir shiikha ayaa  cabasho ugudbiyay  xiriirka Soomaaliyeed ee

kubadda kolayga, Macalin shiikha  ayaa ka cabana Xoghayaha XSKk

Saciid Faarax Ducaale oo uu ku sheegay in uu ku tilmaamay nin

burburinaya Kubadda Kolayga.

 

Macalin shiikha ayaa XSKK ka dalbaday in ay jawaab ka siiyaan

eedaymaha uub ka tirsanayo Xoghayaha XSKK Saciid Faarax Ducaale.

 

Halkan ka akhriso  warxbixinta Macalin Shiikha uu u so gudbiyay XSKK:

Ku:Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee k/Koleyga.

OG:Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga.

OG:Madaxda Olimbikada Soomaaliyeed.

Dacwad ku socota Xoghayaha XSKK

Said Farah Du’aleh

ASCWW.. Salaan dabadeed Madaxda ay warqaddani sida tooska ah ugu

socoto waxaan marka hore u soo gudbinayaa in ay akhriyaan lifaaqa

hoose  oo ah aflagaado lagula kacay qaar ka tirsanaa maamulkii,

macallimiintii  iyo cayaartooydii hore ee xulka qaranka Soomaaliyeed

ee K/koleyga.

Waxaan u arkaa inay tahay arrin aad u foolxun oo laga argagaxo, aadna

looga xishoodo  in shakhsiyaad la iska aflagaadeeyo , laguna tilmaamo

inay  yihiin  qaran dumis, qabiilaysi iyo dad ka shaqaynaya  isku

dirista bahda isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda koleyga.

.Ruuxa qaabkaasi nagu sifeeyay waxa ay ahayd in marka hore uu isagu

dib isku xisaabiyo , taariikhdana rogrogo inta uusan annaga na I

jaafayn

Hadalada aan meelna loo dayin ee uu ku hadlay xoghayaha XSKK Said

Farah Du’aleh waa kuwa uusan ka fiirsan, meel ka dhacna ku ah xiriirka

uu mas’uuliyaddeeda hayo, waayo waxaa uu kala garan waayay oo isaga

qaldamay  hawsha loo igmaday, waxa uu ku dhex jiro oo ah dacaayadaha

raqiiska ah ee uu doonayo inuu sumcaddayda wax iigu dhimo, bulshadana

isaga horkeeno.

Marka laga hadlayo  waxqabadka iyo taakulaynta  xiriirka Soomaaliyeed

ee K/Koleyga , qofba dhinac ayuu uga jiraa , ha noqdo mid maamula, mid

tababara, mid cayaara, mid garsoora, iyo mid taageera intaba,

intaasina waxaan filayaa inaan anigu shakhsi ahaan dhexda uga

jiro…Tusaale waxaa kaaga filan 3dex bilood oo aan magaalada  Muqdisho

soo  joogay iyo hawlihii baaxadda lahaa oo aan soo qabtay ha noqoto

dhinaca tababarka cayaartooyda iyo aqoon kororsiga  Macallimiinta..

Su’aashu waxay tahay xoghayaha XSKK ma waxqabad ayuusan u arkin in

dadka Muqdisho ku nool, macallimiintooda iyo dhallaankooda  isboortiga

ee kubadda koleyga ku hawlan la caawiyo oo aqoontooda sare loo qaado?

Waxaan kale oo waydiiyay Anigu  ma XSKK ayaan taakulaynayay  mise dano

gaar ii ah, qaran dumis , qabiil iyo isku diris ayaan ka shaqaynayay?

Waa arrin u baahan in XSKK masuuliyiinteedu ay ka jawaabaan

 

Marka aan si gaar ah isaga hadlo Waxaan ahay/horayna u ahaa:

-Macallin heer caalami ah oo aqoontiisa gudaha dalka iyo dibaddaba ay

ka faa’iidaystaan dhallaanka Soomaaliyeed ee u baahan, kuna kalsoon

-Shaqsi  u soo kifaaxay calanka Soomaaliyeed oo xirtay funaanadda

buluugga ah oo xiddigta cad dhexda kaga taallo, goobo badanna ku

difaacay calanka Soomaaliyeed hadduu xoghayaha wax ka yaqaano

taariikhdayda K/Koleyga.

– Shaqsi garan kara qiimaha ay qaranimadu leedahay, maadaama aan

xirtay funaanadda astaanta qaranka.

– Shaqsi sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada isboortiga gaar ahaan k/koleyga.

marka suurogal ma  aha, mana iga noqon doonto inta aan noolahay  in

aan hor istaago oo ka shaqeeyo  duminta isboortiga  qaranka

Soomaaliyeed , ka shaqeeyo qabiil oo aynu ognahay halka uu maanta

dhigay ummadda Soomaaliyeed.

Calaakulli xaal,War badan waxba ma taro, Madaxda XSKK , Wasiirka

Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga,  Madaxda Olimbikada

Soomaaliyeed, bahda kubadda koleyga wiilal iyo gabdho meel kasta oo ay

ka joogaan dacalada dunida,iyo dhammaanba dadka jecel isboortiga

horumarintiisa, waxaan la socodsiinayaa in arrimaha la igu sheegay in

aan Bari ka ahay oo aanan shaqo ku lahayn.

Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa inay waydiiyaan  mas’uulkooda i

aflagaadeeyay in uu hayo  wax caddeyn ah oo muujinaya inaan qaran

dumis, qabiil iyo isku diris ka shaqeeyay, una soo bandhigo

saxaafadda…  Haddii kale waxa ay u muuqanaysaa in raalli looga yahay

mas’uulkaasi  hadalada meel ka dhaca ah uu igala  dul dhacay, una

muuqda mid lagu sii kala fogaynayo bulshada isboortiga ee nadiifka ka

ah qabyaaladda iyo qaran dumiska.

Waxaan idinka sugayaa jawaab waafi ah.

Mahadsanidiin

Abdulkadir Haji Dahir  (Shiikha)

 

Cabduqaadir Xaaji Daahir  (Shiikha) u soo ciyaaray Xulka qarannka

dalkeena waxaana lagu tiriyaa ciyaartoydii ugu wanaagsanayd ee soo

mara kubadda kolayga soomaaliyeed isla Markaana waxuu macalin usoo

noqday xulka qaranka kubadda kolayga Soomaaliya,

Macalin Shiikha ayaa ayaa 23 sano kadib  dib ugu soo laabtay dalka

2013-kii   isagoo tababar u fidiya Macalinmiinta iyo Ciyaartoya u

diiwangashan  XSKK ku dhawaad 3 bil uu dalka ku sugnaa,

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada kolayga ayaa laga sugayaa sidii uu

arintan u xalin lahaa maadaama qofka cabanaya uu yahay ciyaaryahan

taariikh wayh ku leh kubadda kolayga Soomaaliyeed Macalina u soonoqday

xulka  waranka kubada kolayga qofka laga cabanayana uu yahay

Xoghayihii XSKK Saciid Faarax Ducaale.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...