Sheekh Naasir Al Khelaifi Madaxwaynaha PSG oo beeniyay in Cristiano Ronaldo ay doonayaan

Dhaliye September 22, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :557
Madaxwaynaha Kooxda PSG Sheik Al Khelaifi ayaa diiday inay Xiisaynayaan Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo warar ay sheegayeen in PSG ay doonayso.

Kooxda France ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday Warkaas waana ay beenisay.

Madaxwaynaha Kooxda lacagta  badan ku qarash garaynaya Sheik Al Khelaifi ayaa sheegay in xitaa hal mar aysan isku dayin in wax xiriir ah la sameeyaan oo ay kala hadlaan inuu dhankooda soo maro Ronaldo.

“Maya,Taas ma ahan wax run ah,Hadii Cristiano aynu xiisayno waxaa si toos ula xiriiri lahayn Real Madrid marka hore”Sidaas waxaa uu sheegay Sheekha Wargayska Marca.

PSG ayaa meesha kasaartay Xan ah in si hoos ah Ciyaaryahanka ay u shukaaminayso ama si hoos ah ula xaajonaysa.

Madaxwaynaha kooxda PSG ayaa sheegay inuusan duulaan ku ahayn ciyaaryahanada kooxaha kale”Waan xushmeeyaa Real Madrid iyo Madaxwaynaheeda Florentino Perez,Waa Madaxwayne Wanaagsan ayuu yiri Sheik Al Khelaifi.

Leave A Response »