Mar la waraystay laacibka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oy ka mid ahaayeen labadii rikoore ee sanadkii 2012, kuwaaso kala ahaa rikoorihi uu cunay ciyaartii ay la dheelayeen kooxda Bayern iyo rikoorihii caanka ahaa dhaliyay koobkii euro-da.
Inkastoo uu qirtay Ramos inuu taageero koox kasta oo Spanish-ah oo la ciyaaraysa koox wadanka kale, kooxahasoy ka mid tahay cadawgooda koowaad ee Barcelona taaso dhawaan ka badisay kooxda Milan horyaalka Champions League.
Waxa uu yiri ” marka ay ciyaarayso koox ka socota wadankayga lana ciyaarays koox wadanka kale waan taageera, xiitaa Barcelona”
Mar uu ka hadlay rikorayaashii ayaa waxa uu yidhi ” ka dib markii aan khasaariyay gool ku laagaas ayaan guriga imi halkaason u sheegay walalkay iyo aabahay “rikooraha dambe waxan u laagaya sidii panenka” halkaaso aan koobkii euro-dana u laagay sidii goolkana u dhaliyay”.











