Tuesday, October 17th, 2017

Roma oo 3-2 kaga adkaatay kooxda Napoli

Published on February 5, 2014 by   ·   No Comments   ·   1,656 Reads

Kooxda kubadda cagta ee Roma, ayaa waxay caawa guul ka gaartay kooxda Napoli, oo ay ka wada dhisan yihiin Horyaalka Wadanka Talyaaniga ee Saria A loogu yeero.

Labada kooxood, ayaa caawa waxay isaga horyimaadeen ciyaar ka tirsaneyd Coppa Italia,
waxayna ciyaartu ahayd mid marti loo ahaa Roma.

Gervinho iyo Kevin Strootman, ayaa waxay qaybtii kore ee ciyaarta ay Roma u qabteen hogaanka, waxaana haafkii hore lagu kala nastay 2-0.

Qaybtii dambe ee ciyaarta daqiiqadii 2-aad, ayay Roma gool iska dhalisay, markii lagu saray xidigeeda Morgan De Sanctis.

Daqiiqadii 70-aad ayay Napoli heshay goolkeedii 2-aad ee ciyaarta, waxaana u saxiixay Dries Mertens.

Xilli ciyaarta ay sii caga cageyneysay gaba gabo, ayay Roma heshay goolkeedii 3-aad ee guusha, waxaana daqiiqadii 88 u dhaliyay xidiga ay Arsenal kala soo wareegtay ee Gervinho.

 

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...