Waxaa Akhrisatay :1621
Manchester United oo laga baqayay sidii loo wajihi lahaa ayaa xalay waxaa ku dhacay waxaan marnaba loo filayn markii ciyaaryahanka dheer ee Marouane Fellaini uu gool ka dhaliyay United qaybtii labaad ee ciyaarta.
Weeraryahanka Holland Robin van Persie ee u yimid Manchesrter United inuu ku guulaysto koob ayaa habeen mugdi oo xasuus mudan ay u noqotay markii 1-0 looga badiyay United.
Manchester United ayaa kulankeeda labaad waxaa ay garoonkeeda ku qaabilaysaa kooxda Fulham,xalayna £24million ninka lagu soo iibsaday Van persie ayaa kursiga kaydka lagu bilaabay waxaana ciyaarta lasoo geliyay daqiiqadii 68 kadibna waxaa lagu badalay Welbeck.
Kabtankii hore ee Arsenal ayaa guuldaro lagu soo dhaweeyay taasna waxaa ay farax gelinaysaa tageerayaasha kooxda Arsenal oo habeen iyo maalin dhahayay Van Persie noo joog,hanaga tagin,xaqeena kaa soo bixi doona iyo Waxyaabo lamid ah oo ay ku dhaheen inta uusan kooxda katagin
Qaab ciyaareedka Robin van Persie hal habeen laguma soo koobi karo waxaana dadka ciyaaraha ka faalooda ay sheegeen in la arki doono kulamada kale ee soo socda.
Dhamaan ciyaaryahanada labada dhinac ukala saftay waa kuwan.
Everton: Howard, Hibbert, Jagielka, Distin, Baines, Osman (Coleman 80), Gibson, Neville, Pienaar, Fellaini (Heitinga 90), Jelavic (Naismith 89)
Man Utd: De Gea, Valencia, Carrick, Vidic, Evra, Nani (Young 78),
Cleverley (Anderson 85), Scholes, Kagawa, Rooney, Welbeck (van Persie 68)











