Waxaa Akhrisatay :954
Daafaca United Rio Ferdinand ayaa amaanay weeraryahanka kooxda Van Persie , waxa uuna tilmaamay in uu yahay laacib muhiim u ah kooxda oo gool dhaliye ah balse waxa uu carabka ku adkeeyay in United laacibnta dhan ku tiitrsan tahay oo kaliya hal laacib ku socon .
Van Persie ayaa ku biiray United xagaagii hore iyadoo tan iyo markii uu yimid kooxda United ka caawiyay dhinacyo badan .
Waxa uu yiri Rio ” Van Persie waa laacib, Sir Alex wax ayuu ku arkay sidaa darteed ayuu u keenay kooxda , balse as-aaska guusha waxa ay ka dhaxeeysa kooxda ee hal laacib kaliya guusha ma keeno “.
” Wax wanaagsan ayuu kooxda u qabtaa , wana gool dhaliye welina wax koob ma aan qaadin waxaan soo jeedin lahaa in aan amaanta laga bad badin maxaa yeelay illaa haatan shaqo qiyaali ayuu qabtay , waxaana weli laga sugayaa in wax weyn uu qabto” ayuu sii raaciyay.










