Tuesday, October 17th, 2017

Real Madrid oo markaan baadigoob ugu jirta Shkodran Mustafi & Nicolas Otamendi

Published on August 3, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,848 Reads

 

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xiddigaha ay suuqa ka doonayso ku darsatay labada daafac ee ka wada tirsan naadiga Valencia ee Nicolas Otamendi iyo Shkodran Mustafi, sida wararku ay sheegayaan.

 

Nicolas Otamendi ayaa si joogto ah waxaa loola xiriirinayey kooxda Manchester United agaagan, laakiin Red Devils ayaan wali dalab rasmi ah u dirin 27 sano jirkaan.

 

Sida ay sheegayso AS in Real Madrid ayaa la hadashay wakiilka xiddiga reer Argentina Jorge Mendes, balse ay kooxda Valencia u sheegay in ciyaaryahankan ay ku iibinayso 35 milyan oo ginni.

 

Tababaraha Real Madrid Rafa Benitez ayaa sidoo kale diiradda saaraya xiddiga kale ee kooxdaas Mustafi, kaasoo sidoo kale ay ku doonayso 35 milyan oo ginni.

 

Ciyaaryahankii hore ee Everton Mustafi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xiisaha Real Madrid, balse uu doonayo inuu sii wato waayihiisa Mestalla, halka Otamendi goor hore la wariyey inuu doonayo inuu ka tago kooxda.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...