Waxaa Akhrisatay :903
Waxa ay u muuqataa in mustaqbalka daafaca Real Madrid Fabio Coentrao uu halis ku jiro ka dib markii uu ka maqnaaday tababarka kooxda sanadkaan cusub ,waxa ayna taasi si weyn uga careysiisay tababre Jose Mourinho .
Naadigaan Real ayaa haatan laacibka ku ganaaxay aduun gaaraya 30-kun oo euro , waxa ayna ifafaalada muujineysaa in kooxda uu ka socdo,iyadoo dhawaan uu sheegay in uu ka fekaryo in uu soo hawa gadisto.
Laacibkaan ayaa kooxda boqortooyada ku soo biiray sanadkii 2011-ka ,waxa uuna u saftay 43 ciyaar iyadoo kaliya hal gool uu u dhaliyay Real.










