Friday, May 25th, 2018

Real Madrid oo caawa guul weyn ka gaartay Atletico Madrid

Published on February 5, 2014 by   ·   No Comments   ·   1,625 Reads

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid, ayaa waxay caawa guul weyn ay ka gaartay kooxda ay isku Magaalada ka dhisan yihiin ee Atletico Madrid, markii ay ku dhufatay 3-0.

Labada kooxood, ayaa caawa waxay isaga horyimaadeen ciyaar ka tirsaneyd Copa Del Rey, iyadoo labada kooxood ay wada ciyaari doonaan laba goor.

Real Madrid oo caawa gurigeeda lagu soo booqday, ayaa guul muhiim ah kugaartay, iyadoo lugta labaad ay Real Madrid booqon doonto Atletico Madrid.

Labadaan kooxood, ayaa midkood Fiinalaha u gudbi doono, kolka la ogaado waxa ay ku soo idlaatay natiijada lugta labaad marka ay foodda is daraan.

Goolasha ay badisay Real Madrid, ayaa waxaa u kala saxiixay Emiliano Insua daqiiqadii 17-aad, daqiiqadii 57-aad Jesé Rodriguez iyo Di Maria, inkastoo goolkii uu Di Maria dhaliyay ay ku dhacday xidiga Miranda, loona qoray in uu isagu iska dhaliyay.

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...