Monday, June 26th, 2017

Real Madrid oo beegsanaysa Morata iyo Aguero

Published on August 2, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,112 Reads

 

Kooxda Real Madrid ayaa durbadiiba suuqa u gashay soo xero galinta badalka weerar yahankooda Karim Benzema kaas oo ogolaaday inuu ku biiro Arsenal.

 

AS ayaa sheegaysa in kooxda Real Madrid ay baadi goob ugu jirto weerar yahanadii ka badali lahaa Benzema weerarka kooxda ka dhisan caasimada Spain.

 

Real Madrid ayaa beegsanaysa weerar yahanka kooxda Man City Sergio Aguero iyo waliba weerar yahankoodii hore ee Alvaro Morata kaas oo qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya kooxda Juventus.

 

Arsenal ayaa hordhigtay dalab qaali ah kooxda Real Madrid oo ay ku doonayso Benzema waana sababta ku kalifaysa in kooxda reer Spain ay suuqa u gasho badalkiisa maadama Gunners ay diyaar u tahay bixinta 65 milyan oo euro.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...