Monday, December 18th, 2017

Rafael da Silva oo isaga tagey Manchester United

Published on August 3, 2015 by   ·   No Comments   ·   1,792 Reads

 

Kooxda ka dhisan dalka Faransiiska Lyon ayaa si rasmi ah hishiis ula saxiixatay ciyaaryahanka daafaca naadiga Manchester Utd Rafael kaas oo isaga soo tagay Manchester Utd.

 

Lyon ayaa xaqiijisay inay ka saxiixday hishiis 4 sanno ciyaaryahanka caalamiga wadanka Brazil Rafael oo 25 sanno jir ah islamarkaasnka xidiga uu baraha bulshada ku xaqiijiyay goor hore oo caawa ah.

 

Rafael da Silva oo magaciisa oo buuxa uu yahay Rafael Pereira da Silva ayaa u saftay 11 kulan kooxdiisa hore Manchester Utd xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay isagoo sanadkaan 2015 hal kulan kusoo biloowday Manchester Utd kaas oo dhacay dhamaadkii bishii January ee sanadkaan.

 

Xidigaan daafaca ka ciyaaro Rafael da Silva ayaa muddo 8 sanno ah la joogay Manchester Utd waxaana dalka Brazil ka keenay oo lasoo saxiixday isaga Rafael da Silva iyo walaalkiisa Fabio oo isna Manchester Utd ka tagay sanadkii lasoo dhaafay 2014 tababarihii mudada badan leylinayay Manchester Utd Sir Alex Fergusen.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...