QPR Oo Dalab Rasmi Ah U Dirtay City , Lescott Ayay Doonayaan .

Dhaliye January 5, 2013 0

Waxaa Akhrisatay :194
lessWargeyska The Sun ayaa laga soo xiganayaa in kooxda QPR ay dalab rasmi ah u dirtay kooxda Man City oo ay ka doonayaan daafacooda Lescott kaasi oo lagu waramayo in kooxda uu ka huleelayo bishaan maadaama qorshayaasha Mancini uu ka baxay .

 

Kooxdaan QPR ayaa la soo shar tagtay aduun gaaraya 8- milyan oo gini , mana aha kaliya QPR kooxaha doonaya daafacaan reer Ingiriis , iyadoo lagu waramay in kooxdiisii hore ee Everton iyo Aston Villa in iyana ay doonayaan laacibkaani .

 

Laacibka ayaa lagu waramayaa in uu si weyn uga careysan yahay kursiga keydka uu galay , iyadoo la xusayo hadii uu ka huleelo City in uu u dhaw yahay kooxda Everton .

Leave A Response »