PSG Oo Shukaamin Ugu Jirta Evra Iyo United Oo Carab Laa-laadineysa

Dhaliye December 8, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :586
Naadiga hantiilayaasha reer Qadar ee PSG ayaa dalab u soo jeediyay laacibka dhanka garabka bidix kubada uga qaabeya Man United ee Patric Evra kaasi oo hishiskiisa dhamaad uu ku dhaw yahay .

Wargeysyada Ingiriiska ayaa qoraya in PSG ay ku dooneyso laacibkaasi aduun lacageed oo gaaraya 5-milyan oo gini , waxaana la tilmaaayaa in United suura gal tahay in ay ogalaadaan maadaama da`da laacibka ay ka sii sarameyso 31-sano jir.
Evra ayaa horay u muujiyay rabitaan ku aadan in aayahihiisa Sports uu ku soo afjaro kooxdii uu ku soo barbaaray 1997-dii ee PSG ka hor inta magaciisa lagu baran kooxda Monaco, waxa ayna tani muujineysa in laacibka jecleysanayo kooxdaas.
Evra taageero badan kuma laha gudaha France maadama uu ku mid yahay laacibiintii sababay in qaranka faransa sadankii 2010-kii si fudud uga haraan koobkii aduunka ka dib markii uu diiday in tababarka la qaato qaranka faransa .

Dhaliye Isha Ciyaaraha

 

 

Leave A Response »