Monday, December 18th, 2017

PSG oo iskaga hartay Di Maria iyo sababta ka dambaysay

Published on August 7, 2014 by   ·   No Comments   ·   2,046 Reads

dhailye838

 

 

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-khelaifi ayaa shaaca ka qaaday inay kooxdiisu iskaga hartay xiisihii ay u qabtay laacibka kooxda Real Madrid.

 

Naadigan ka ciyaara La Liga 1 ayaa si weyn loola xiriirinayay inay la wareegi doonto Di Maria,kaasoo la filayo in uu iskaga tago garoonka Bernabue xagaagan,ka dib markii uu yimid James Rodriguez,oo ay Real lacag badan ku soo iibsatay.

 

PSG ayaa ka dib go’aan ay ka qaadatay saxiixa xiddigan  iskaga hartay maadaama Di Maria lagu doonayo adduun gaaray 50 milyan ginni,taasina ay tahay sababta ugu wayn ee ay iskaga hartay xiisihii ay xiddigan u qabtay.

 

Al-Khelaifi ayaa shaaca ka qaaday in uu dhmaaday xiisihii ay u qabeen xiddigan (Di maria waa qaali waana ka laabanay xiisihii aan u qabnay hadaanu nahay PSG”

 

Man United,iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa laacibkan Di Maria kaasoo Real kaga soo biiray dhanka kooxda Benfica sannadii 2010’ka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...