PSG Oo Gaashaanka U Daruurtay In Ashley Cole Doonayaan .

Dhaliye January 1, 2013 0

Waxaa Akhrisatay :311
m2Maamulka Naadiga PSG aya gaashaanka u daruuray in ay doonayaan in ay soo xero giliyaan xagaagaan laacibka dhanka garabka kubada ka hagaajiya ee Ashley Cole sida ay shaacisay shabakada Sky Sports .

 
Warar la isla dhaxe marayay ayaa sheegayay in laacibkaan uu gaarayo horyaalka faransiiska balse haatan waxaa arimahaas beeniyay madaxa PSG kaasi oo ku tilmaamay warar runta ka fog .

 
Waxa uuna sheegay in uusan jirin wax xariir ah oo ay la sameeyeen daafacaas reer ingiriis , iyadoo uu ku soo gabagabeeyay in ay haystaan 5- ciyaar yahan oo ka ciyaara booskiisa taasina ay micnaheedu yahay in aysan ka fikireyn Ashley Cole .

Leave A Response »