Pepe Oo Difaacay Ciyaartoyda Real Madrid Sheegayna In Horyaalka Wali Uusan Dhamaan

Dhaliye September 16, 2012 1

Waxaa Akhrisatay :1867
Difaaca adag ee xulka Portugal iyo kooxda Real Madrid Képler  Pepe ayaa difaacay guuldaradii xalay kooxdiisa kaso gaartay kooxda Seville .

kooxda boqortooyada ayaa xalay niyad kala kulmay kooxda Seville taasoo ka dhigeysa in tani ay tahay bilaawgii ugu xumaa ee kooxda Real Madrid soo mara Sanadooyin fara badan kadib.

“Gool ayaa daqiiqadihii hore shabaqeena galay, kaasoo arinta ka dhigay mid nagu adag, hada arintu ma sahlana waxaa nagala horeeyaa 8 dhibcood, laakin waa inaan ogaanaa in kooxda ay qabatay howl culus, wali waxaa horyaalka ka dhiman ciyaari badan ma ahan inaan ku mashquulnaa wixii xalay dhacay , hada waa inaan ka fakarnaa ciyaarta aan la yeelan doono kooxda heysata horyaalka wadanka ingiriiska ee Manchester City”

Pepe ayaa sidoo kale sheegay “intii ay ciyaarta socotay waxaan aheyn kuwa maamula ciyaarta inteeda ,laakin majirin fursado wanaagsan oo aan sameynay, ciyaartoydu waa kuwa soo bandhigay dadaalkooda, waa inaan fariin fiican u dirnaa taageerayaasha waxaana soo bandhigi doonaa waxaan awoodno sababtoo ah waxaan nahay Real Madrib”

Pepe ayaa xusay in ciyaartoyda aysan ku mashquulin wixii xalay dhacay ay ku fikiraan sidii ay guul uga keeni lahaayeen horyaalka Qaarada yurub ee Champions league.

One Comment »

  1. paulo January 1, 2013 at 4:36 pm - Reply

    wwww.classificadomaringa.com.br

Leave A Response »