Pep Guardiola oo diiday in lays bar bar dhigo Real Madrid iyo Barcelona

Dhaliye August 21, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :201
Tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola ayaa shaagay inaan lays bar bardhigi Karin Xiligaan labada koox ee Barcelona iyo Real Madrid oo todobadkaan kulankoodi ugu horeeyay ciyaaray.

Pep Guardiola oo mar wax laga waydiiyay bal sida uu ula muuqdo horyaalka La liga ee furmay oo Real Madrid bar baro ay gashay todobaadkan iyo kooxda Barcelona oo guul gaartay ayaa waxa uu sheegay Pep Guardiola inaysa macquul ahayn in labada koox lays bar bardhigo waqtigan.

41 jirkaan ayaa kooxda Catalan u qaaday 14 koob kaliya Afar xili ciyaareed oo uu laylinayay kooxda Barcelona.

Pep Guardiola ayaa sheegay in lakala xukmin doono Awooda kooxaha labada ah kadib toban kulan oo la ciyaaro horyaalka La liga maadama uu haatan sheegay in kulan ama labo kulan wax lagu qiimayn Karin.

Hadalkaan ayaa waxaa uu sii daayay tababarihii hore ee Barcelona isagoo jooga New York,waxaana uu hadalkiisa uu kusoo koobay Barcelona iyo Real Madrid waa labo koox oo awood weyn islamarkaana ilaa iyo haatan uu daawado ciyaarahooda walina uu yahay isaga macalin.

Guardiola ayaa waxaa uu ku noolyahay Mareykanka waayadana kadib markii uu shaqada Barcelona kasoo tagay ayuu tagay USA.

Leave A Response »