Paul Pogba oo ku biiray kooxda kubada cagta ee Juventus

Dhaliye June 4, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :212
Waxaa lagu soo waramayaa in ciyaaryahan khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba inuu ku sugan yahay magaalada Turin si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu wareegayo kooxda Juventus.

Pogba ayaa qandaraaskiisa Old Trafford uu ku ogyahay xagaagaan ka dib markii uu diiday heshiis cusub oo ay u soo bandhigeen, waxaana in muddo ah lala xiriirinayay kooxda Bianconeri.

Wargeyska Turin ka soo baxa ee Tuttosport ayaa sheeganaya in 19 jirkaan uu ku sugan yahay maanta Turin si uu u maro tijaabada caafimaadka islamarkaana qalinka ugu duugo heshiiska uu ugu wareegayo Marwada Duqda ah.

 

Si kastaba, weli lama hubo inuu xilli ciyaareedka soo socda xiran doono maaliyada kooxda Juventus.

Antonio Conte ayaa doonaya inuu ciyaaryahanka ku qiimeeyo tababarka ka horeeya xilli ciyaareedka cusub ka hor inta uusan go’aansan inuu qorshihiisa ku darsado, ama amaah ku diro.

Leave A Response »