Orodyahanka Soomaaliyeed Mo Farax oo loo-dhalay laba hablood oo mataano ah

Dhaliye August 25, 2012 7

Waxaa Akhrisatay :2479
Orod-yahanka Soomaaliyeed Maxamed Faarax, balse ay dadku intoodu badan ay u yaqaanaan Mo Faarax, ayaa waxaa loo-dhalay laba gabdhood oo mataano ah, iyadoo taasina ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka reer Britain.

Libaaxa weyn ee ku caan baxay Tartamada Orodada Caalamka Mo Faarax ayaa waxaa Jimcihii shalay loo-dhalay laba gabdhood oo mataano ah, waxaana u dhashay xaaska kaliya ee uu xilligaan qabo ee lagu magacaabo Tania.

Tania ayaa waxay horey nin kale ay ugu dhashay gabadh ay ugu magac-dareyn Rihaana, waxaana weeye gabadhii ugu horeysay oo ay dhasho, laakiin Mo Farax ayaa waxay mataanahaan ay uga dhigan yihiin kuwii ugu horeeyay oo uu dhalo.

Mo Faarax ayaa xilligaan noqonaaya aabe dhalay laba gabdhood oo mataano ah, inkastoo aanu weli si rasmi ah loo-shaacin magacyada dhabta ah ee xilligaan loo-kala bixiyay labadaan hablood ee uu aabaha u yahay.

Orod-yahanka weyn Maxamed Faarax ayaa wuxuu sanadkaan uu ku guuleystay Tartamada Orodada Olympicada ee Adduunka, isagoona ku kala guuleystay Orodada tobanka kun iyo kunta kun mitir.

7 Comments »

  1. Yuusuf August 26, 2012 at 7:29 pm - Reply

    Maansha alah aad baan ugu frxsanahay labada gabdhood ee u dhashay m farah soo barbaara baanu leenahay anaguu ah umada soomaleed oo dhan

  2. Wariye qeys August 30, 2012 at 5:44 am - Reply

    Congratulation! To mr. Mo. Farah aad baan ugu farax sanahay 2da hablood ee u dhalatay ciyaar yahanka caanka ah Allaha ka dhigo kuwii dalkooda iyo dadkooda “aamiin”

  3. Modric August 31, 2012 at 5:56 am - Reply

    Wow

  4. eden hazard September 16, 2012 at 12:30 am - Reply

    maaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaansha ala haw daayo waxa noqonyaa ku dheereye

  5. Cirale in the house November 20, 2012 at 6:01 pm - Reply

    SUCDI IYO SUCAD UKA BIXI

  6. abdulfetah hassan December 1, 2012 at 5:34 pm - Reply

    Maansha alah ayan melkastan jogna ka dhaheyna oratame

  7. Jone evans December 27, 2012 at 8:41 pm - Reply

    Manshalah growup you babies

Leave A Response »