Olivier Giroud oo Tageerayaasha Arsenal u sheegay Warar isaga lagu Xamanayay

Dhaliye August 20, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :700
Weeraryahanka Cusub ee Arsenal Olivier Giroud ayaa sheegay in Arsenal uusan u imaanin inuu u badalo booska kabtankii kooxda ka tagay ee Robin Van Persie’.

Weeraryahanka Dutch  ayaa katagay  Gunners’ waxaana uu ku biiray kooxda Caanka ee Manchester United oo caawaba la rajaynayo inay badal ku keento kulanka Everton.

Giroud oo ka yimid kooxda France ee Montpellier xagaagan ayaa si cad u sheegay inuu Arsenal u imaanin in dadka uu ilowsiiyo Van persie,marka waxaa uu ka digay in Tageerayaasha kooxda sidaas aysan u qaadan.

Waxuu yiri Van  waxuu ahaa ciyaaryahan wacdaro ka dhigay sanadkii hore Premier league aad ayayna ujeclaayeen ayuu yiri taageerayaasha Arsenal.

Olivier Giroud ayaa ka codsaday Taageerayaasha Arsenal inay siiyaan waqti uu ku sal dhigto kooxda,waxaa uu yiri Robin Van Persie waqti  badan ayuu kooxda ka helay kadibna xirfadiisa uyuu soo bandhigay,mid lamid ah ayaan doonayaa ayuu yiri Wiilka dheer.

 Giroud ayaa kulankiisa ugu horeeyay ee Premier league waxaa uu ka qasaariyay kooxda goolal badan lakiin dib dambe ayaa raali geli ugu bixiyay.

Leave A Response »