Tuesday, October 17th, 2017

Mourinho oo dhaliilay tababare Arsene Wenger

Published on August 3, 2015 by   ·   No Comments   ·   2,085 Reads

 

Jose Mourinho oo Ku Eedeyay Tababare Arsene Wenger Inuu Diiday Inuu Gacan Qaado Kadib Ciyaarta iyo Arsene Wenger oo Ka Jawaabay.

 

Tababaraha faanka badnaa Jose Mourinho ayaa guuldarro kala kulmay 14 jeer kadib tababare Arsene Wenger kadib markii guuldarro 1-0 naadigiisa Chelsea ay kala kulantay kooxda Arsenal.

 

Labadan koox oo ku kulmay koobka Community Shield ayaa gool uu dhaliyay Alex Oxlade-Chamberlain ay Arsenal 1-0 ugu badisay kooxda Chelsea taas oo ka dhigtay in tababare Arsene Wenger uu ka badiyo markiiisa ugu horeeysay Jose Mourinho oo ay 14 jeer kulmeen.

 

Kadib markii ciyaarta dhamaatay tababare Jose Mourinho ayaa warbaahinta u sheegay in dhigiisa Arsene Wenger uu diiday inuu gacan qaado markii ay soo dhamaatay ciyaarta isagoo Mourinho gacan qaaday ciyaartooyda Arsenal laakin gadaashiisa waxaa maray oo gacan qaadka ka diiday Arsene Wenger oo leyliya naadiga Arsenal.

 

Arsene Wenger ayaa markii garsooraha uu ku dhuftay seeriga ama firimbiga wuxuu si toos ah u aaday tunnel-ka garoonka isagoo maray dhabarka tababare Jose Mourinho oo sugayay salaantiisa.

 

“haddii aad rabto inaad I seegto waa I dhinac mari kartaa ciyaaryahan kasta oo Arsenal dhinaceeyga ayuu soo aaday mida iigu sahlsan ama iigu fudud waxay ahayd inaan sameeyo oo gacan qaado maxaa yeeellay halkaas aya joogay ayuu yiri Jose Mourinho.

 

Jose Mourinho ayaa hadalkiisa raaciyay in tababare Arsene Wenger uu gadaashisa uu maray islamarkaasna uusan gacan qaadin laakin uusan ogayn dagaalka Arsene Wenger uu u qabo isaga.

 

Sidoo kale Arsene Wenger ayaa beeniyay inuu dagaal kala dhaxeeyo Jose Mourinho wuxuuna sheegay inuu salaamay gacmo badan laakin uusan xiiso u qabin gacan gaar ah.

 

“Waxaa gacan qaaday gacmo badan maanta  ma jirto gacan gaar ah oo aan rumaysanahay inay tahay shaqo kaliya waa inaad dadka xushmeeysaa waana sameeyay taas.” Ayuu yiri Arsene Wenger tababaraha Arsenal.

 

Tababare Arsene Wenger ayaa sidoo kale ka jawaabay hadal Jose Mourinho uu sheegay oo ahaa inay ka awood badnaayeen Arsenal wuxuna Wenger ku jawaabay inay kooxdiisa sameeysay waxa ugu wanaagsan ee kulanka laga filayay oo ay qaaden koobka.

 

“Waa is difaacnay maxaa yeelay waxaa rabnay inaan difaacanno koobka oo aan horey u qaadnay waxaa rabnay inaan guuleysanno waana sameynay.” Ayuu yiri Arsene Wenger.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...