Milan oo xaqiijsay in Inter Milan ay dhaafsanayaan Libaaxyadooda Weerarka

Dhaliye August 20, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :3632
Gudoomiye ku xigeenka kooxda AC Milan Adriano Galliani ayaa xaqiijiyay inay socdaan wadahadalada Inter iyo Milan ay isku dhaafsanayaan Weeraryahanadooda Antonio Cassano iyo Giampaolo Pazzini.

Labo todobaad ayaa ka harsan inta uu furanyahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda,waan arki doonaa waxaa dhacaa”sidaas waxaa yiri gudoomiyaha Milan ciyaartii xalay kadib.

Cassano ayaa katagi doono Milan waxaana uu ku biiri doono kooxda ka dhisan gurigiisa ee Genoa ama waxaa lagu badalan doonaa saaxibkii Pazzini oo Milan ay qaadanayso isagana Inter Milan ayuu kamid noqon doona.

“waan lahadalnay Madaxwaynaheena iyo tababaraha go’aan qaadasho ayaana harsan ayuu yiri Galliani.

Madaxwaynaha AC Milan Silvio Berlusconi oo wax laga waydiiyay arinta is dhaafsiga Cassano iyo Pazzini, ayaa ku jawaabay way jirtaa kadibna waana uu dhoola cadeeyay.

Lakiin Inter iyo Milan ayaa isku qilaafsan lacagaha Xidiga laysku dhaafsanayo,Milan ayaa ka doonaysa Inter inay si kaash ah ay ugu iibsato Cassano lacag dhan €5  ilaa 10million oo kala badasho madoonayso.

Cassano ayaa ukulul inuu katago Rossoneri kadib markii uu ka niyad jabay ka tagidii kooxda Zlatan Ibrahimovic iyo Thiago Silva.

Leave A Response »