Milan oo iibinaysa Abate, si ay u ururiso lacagta Mario Balotelli

Dhaliye January 5, 2013 0

Waxaa Akhrisatay :481
119w9z5

Jariirada kasoo baxda wadanka Italy ee La Gazette ayaa cadadkeedii saaka soo baxay sheegtay in Milan ay ururinayso 35M oo ah qiimaha laacibka Man City ee Super Mario Balotelli.

Hadaba jariiradan kasoo baxda magaalada Milano ayaa cadaysay in maamulka kooxda Rossoneri ay ilaa imika ururiyeen 15M oo ah lacagtii lagu iibiyay Pato, waxana la filaya in ay ku darto 8-10M iibitaanka Robinho taaso la filayo inay iibiiyan laacbinkan saacadaha soo socda.

Arinka la yaabka lehi waa 10M ee baaqiga ah halkaasoy tidhi saxaafadani waa qiimaha lagu iibinayo laacibka Ignazio Abate kaasoy doonayso kooxda Zenit St Petersburg oo ku rabta ciyaaryahankan isla qiimahaas saacadihii ina dhaafay, halkaasoy tilmaantay La Gazette inay ku fikirayso iibka Abate khaasatan iyagoo heshay badalka laacibkan oo ahMattia De Sciglio

Waxa xusid mudan in kooxdan Milan lagu tuhmayo weeraryahano badan oy kuwa ugu cadcad yihiin Drogba, Osvaldo se uu beeniyay mulkiilaha kooxdu Silvio Berlusconi  isagoo raaciyay  inaanu hayn karayn dhibaatooyinka badan ee Balotelli se uu jecelyay inuu helo Mattia Destro ciyaaryahanka Roma

Leave A Response »