Milan iyo Inter oo maanta dhamaynaya wadahadalada is dhaafsiga Cassano iyo Giampaolo Pazzini

Dhaliye August 21, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :110
Masuuliyiinta kooxaha AC Milan iyo Inter Milan ayaa kulan mudo saacado qaatay oo ay isugu yimaadeen waxaa ay ka arinsadeen Arimo la xiriira inay is dhaafsadaan ciyaaryahano u kala  ciyaaro labada dhinac.

Massimo Moratti  oo ah Madaxwaynah inter iyo Gudoomiye ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa xalay kulan isugu yimid waxaana ay ka arinsadeen sidii ay isku dhaafsan lahaayeen Antonio Cassano iyo Giampaolo Pazzini.

Sida shabakada Dhaliye ay kasoo xiganayso wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya wadahadalo dhexmaray madaxwaynaha Milan Silvio Berlusconi iyo ku xigeenkiisa  Galliani habeenkii Isniintii kadib guudaradii juventus ay isla garteen in xaalka sidaan wax loo dhaamo.

Wadahadala u dhaxeeya Inter iyo AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inuu markale dhaco subaxnimada maanta oo la filayo in heshiiska is dhaafsiga ciyaaryahanada uu dhaco.

Mudo tobon daqiiqo kadib shirkooda  Massimo Moratti iyo Galliani oo warbaahinta ay wax kawaydiyeen waxa kasoo baxay kulankooda ayay ka gaabsadeen in hadal siiyaan.

Galliani ayaa doonaya in  Cassano laga siiyo €7 million,islamarkaana y ka qaadato inter Pazzini.

Hadii heshiiskan uu dhaxo ayaa waxaa la tilmaamaya inMilaniyo Inter ay sitoos isku dhaafsadaan taariiqda markale xidigaha Clarence Seedorf, Andrea Pirlo iyo ciyaaryahanka ay inter ugu magacdartay garoonkeeda ee Giuseppe Meazza .

Leave A Response »