Waxa uu jabiyay Messi rookooro badan,waxa uuna qaaday koobab badan sanadihii ina soo dhaafay, isagoo noqday gool dhaliyaha ugu badan naadiga Barcelona,waxa kale oo uu noqday gool dhaliyaha ugu fiican inta gool ee la dhaliyay sanadkii, isagoo jabiyay rikoorkii Muller,waxa kale oo uu noqday gool dhaliyaha ugu goolasha badan inta goolee sanad khaliya la dhaliyay ee LA LIGA-ha isagoo dhaliyay 50 gool sanadkii dhawayd, wuxuuna u dhaw yahay inuu jabiyo rikoorka ciyaaryahanka ugu goolasha badan horyaalka Champions League ee u xidhan “Raul” kaaso ah 71 gool.
Se hadana isagoo waxasoo dhan jabiyay waxa caasiyay laba rikoor oy adag tahay inuu jabiyo xidigan reer Barcelona, kuwaaso uu dhigay ciyaaryahankii hore ee Barcelona Romario.
Rikoorka koowad oo ah in uu yahay ciyaaryahanakan reer Brazil ka ugu goolasha badan taariikhda kubada kaaso dhaliyay 734gool halka aanu messi gaadhin 350 wali.
Rikoorka labaadna yahay inuu ku guulaystay jaa’isada gool dhaliyaha ugu fiican 27 jeer horyaalada kala duwan ee uu ka ciyaaray oo dhan,halka uu messi ku guulaystay 9jeer oo kaliya.
Hadii aanu messi ku guulaysan inuu jabiyo rikooradan maaha mid khalkhal galinaysa sumcadiisa balse dadkoo dhan qirsan yihiin in ciyaaryahankani yahay mid qayrul caadiya, se hadii uu ku guulaysto inuu jabiyo rikooradan laga yaaba in loo tiriyo inuu noqdo ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubada oo dhan.












messe su hada kusocdo hadu kusi socdo wa u jawina rikorkasta… ViVa rooney.
asc dhamaan asxaabta, barcelona hogaan qabasho madhibto, messina rikoor baa meel yaalla madhibto.. aniga waxeey ilatahay messi sifiican oo xooli ah ayuu kusocdaa haduu sidaan kusii socdo inuu jabin karo rikoor walba oo laga dhigaa caalamka.. viva messi and barca
Ma jebin karo
Aniga waxay ila tahay messi inuu jabin karo kana si badin karo hadii uu sidan ku si socdo viva messi