Monday, June 26th, 2017

Maxaa ka cusub Man United, Arsenal iyo Chelsea?

Published on August 2, 2015 by   ·   No Comments   ·   2,240 Reads

 

Manchester United ayaa la sheegayaa iney qarka u saran yihiin saxiixa garabka Benfica Nicolas Gaitan. (Sunday Express).

 

Manchester United ayaana ka quusan doonin soo xero galinta xidiga Real Madrid ee Gareth Bale, waxaana jira warar sheegaya in Madrid ay dooneyso iney dib u hesho lacagtii £86 milya oo pound aheyd ee siiyeen Tottenham markaasoo a yak hor tageen inuu xidiga aado Old Trafford. (Sunday Express).

 

Arsenal ayaa ugu danbeyn Karim Benzema ku dalbaneysa £45 milyan oo pound kadib markii ay ku guuldareysteen dalabkoodii hore ee ahaa £32 milyan oo pound, waxaana macalin Wenger uu u arka xidiga kan kaliya ee kooxdiisa ka dhiman (Daily Star).

 

Liverpool ayaa xiiseneysa da’yarka Barcelona ee Adama Traore laakin kooxda Catalans ayaa caqabad keentay iyagoo weydiyay Reds suurogalnimada Phillipe Coutinho uga soo tagi karo Anfeild (Sport )

 

Juventus ayaa dooneysa kubad xojiyaha Dynamo ee Alex Witsel kadib markii uu markale soo laabtay dhaawici marki horeba laga cabsi qabay ee Sami Khadira (Goal.com)

 

Everton macalinkeeda Roberto Martinez ayaa suuqa u galay saxiixa daafaca Wolves ee Kortney Hause iyagoo qarka u saran iney waayaan John Stones. (The Sun)

 

Southampton ayaa dalab £8 milyan oo pound ah ka gudbisay daafaca Celtic ee Virgil van Dijk. (The Sun)

Chelsea ayaa markale diyaarineysa dalab ay horumarin ku sameysay oo ay ka gudbinayaan John Stones laakin marna diyaar uma ah iney sii wadaan dagaalka dalab ee kala dhexeeya Everton (The Sun)

 

Wolfsburg agaasimaheeda Klaus Allofs ayaa huba boqolkiisa ‘99.9 in xidiga diirada u saran Manchester City ee Kevin De Bruyne uu kooxda sii joogi doono xili ciyaareed kale (The Sun)

 

Louis van Gaal ayaa sheegay in Pedro uu ka caawin karo kooxdiisa Manchester United u dagaalmista horyaalka, Van Gaal ayaa doonaya in xidiga lagu qiimeeyo £22 milyan oo pound ee garabka kaga ciyaara Barcelona la keeno kooxda marka uu boxo Angel Di Maria (The Sun)

 

Manchester City ayaa kula dagalaami doonta kooxaha ay ku xifaaltamaan Premier League saxiixa xidiga weerarka ka ciyaara ee Saido Berahino oo ka tirsan West Brom. ( The People )

 

Manchester City ayaa qaboojisay dalabkii ay ula degdegsaneyd saxiixa Paul Pogba iyagoo aanan dooneyn iney xidiga soo xero galiyaan ilaa suuqa kale iibsiga xili qaboobaha ee January transfer laakin wali waxay diida yihiin iney ogolaadaan lacagta ay Juventus’ xidiga ku dooneyso ee ah £80 milyan oo pound ah (STAR ON SUNDAY).

 

Roy Keane ayaa qaba in Arsenal aysan koob ku guuleysan Karin inta ay joogaan xidigo ku mashquulsan sawiro iyo six packs ( The People ).

 

West Ham macalinkeeda cusub Slaven Bilic ayaa rajeynaya inuu heshiis la gaaro Barcelona oo uu ka doonayo da’yarka Alen Halilovic . ( The People)

 

Ashley Young ayaa loo soo bandhigay qandaraas uu isbuucii ku qaadanayo £120,000 oo pound kaasoo Manchester United ku sii heynaya kooxda sadex sano oo kale ( The People).

 

Louis van Gaal ayaa u sheegay kooxdiisa iney soo gabagabeeyaan muranka bixitaan ee David de Gea wuxuuna u sheegay madaxda kooxda Manchester United iney ciyaariyahanka ka iibiyaan kooxda Real Madrid (The Observer).

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Recent Posts

Top Story

Xabi Alonso oo isbarbardhig ku sameeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Xabi Alonso ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka siman yihiin macalinkiisa Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho.   Alonso ...