Waxaa Akhrisatay :1013
Xidiga kooxda Everton Marouane Fellaini ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay ka go`an tahay in xilli ciyaareedkaan u soo baxaan horyaalka kooxaha yurub iyadoo u balan ku qaaday in arintaas ay dagaal xoogan u galayaan .
Laacibkaan ayaa yiri ” shaki kuma jiro in xilli ciyaareedkaan aad u wanaagsanahay , waxaan u mahad celineynaa taageerayaasha oo niyad dhis noo sameeyay , waxaa naga go`an in horyaalka kooxaha yurub soo aadno”.
Waxaa xusid ,mudan in Everton haatan ay ku jiraan kaalinta afaraad iyaga oo leh 26-dhibcood , waxaana laacibkaan uu noqday laacibka ugu wanagsanaa bishaan horyaalka ingiriiska .
Dhaliye Isha Ciyaaraha











Fallaini janaayo wuxu ku biira man utd markas ayu champion qada viva man utd Rvp chicharito Rooney