Manchester United oo lagu wargeliyay in Robert Lewandowski uu u jiro inta cirka iyo dhulka ay isu jiraan

Dhaliye December 4, 2012 1

Waxaa Akhrisatay :491
Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa waxay si weyn u doon dooneysaa xidiga reer Poland ee Robert Lewandowski, kaasoo xilligaan waqti fiican la qaadanaaya kooxdiisa Dortmund

Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Dortmound Jurgen Klopp  ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in bisha Janaayo ee sanadka cusub, aysan waxba ka bedeli doonin qorshahooda ku aadan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Tababaraha ayaa wuxuu sheegay inaysan iibin doonin xidigooda afka hore uga ciyaara ee Robert Lewandowski, isla-markaana wuxuu Maamulka Manchester United uu ku wargeliyay inay iska ilaawaan.

Wuxuu sheegay inaysan xilligaan wax wal wal ah ka qabin dhinaca Robert Lewandowski, maadaama uu sheegay in uu heshiis uu kula jooggo kooxda, isla-markaana uu heshiiskiisu waqti fiican uga harsan yahay.

Kooxda Man United ayaa waxaa shalay la shaaciyay inay heshiis 12 milyan oo Gini gaaraaya ay kula soo wareegi doonto Lewandowski, hase ahaatee taasi ayaa waxaa si layaab leh uga jawaabay tababare Jurgen Klopp.

“Waa la soo dhaafay xilligii kooxo waaweyn oo qani ah oo Ingiriiska ka dhisan ay halkaan imaanayeen, ayna Jarmalka ka wadan jireyn ciyaartoy.” ayuu yiri Jurgen Klopp.

Wax sahlan maaha in xilligaan Manchester United ay gacanta ku soo dhigto weeraryahanka xulka qaranka ee Poland iyo kooxda Dortmound Robert Lewandowski.

 

One Comment »

  1. Fabregas December 5, 2012 at 3:01 am - Reply

    K.k.k.k.k.k.k. Waxasa i karayo nadiga dortmound wanku tagersanahay go,ankoda bcz man u.t.d wey walatay xidig kasto caan ah iney gatan ayey raban

Leave A Response »