Waxa uu kaga badiyay naadiga Cluj ee kasoo jeeda wadanka Romania naadiga Manchester united isagoo dhex jooga garoonkooda iyo taageerayaashooda gool iyo wax la’aan, kulankii soo gabogabaynayay groups-ka champions league.
Goolka khaliya ee ciyaarta waxa dhaliyay ciyaryahanka lagu magacaabo Luis Alberto daqiiqadii 56aad, waxa ay ku fashilmeen weeraryahanada Manchester united ilaa iyo ciyaarta dhamaadkeeda inay ka dhaliyaan goolhayaha iyo difaaca naadigan cluj oo ahaa mid aan la mari karayn joojiyayna khatarta weeraryahanada Manchester united.
Halkaas oo uu ku qalalay dhibcaha naadiga Manchester united oo leh 12 dhibcod, waxaana kor u soo kacay dhibcaha naadiga cluj oo uu noqday 10 dhibcood, waxa uuna qaatay kaalinta 3aad galayna horyaalka Europe league.











