Waxaa Akhrisatay :356
Kooxaha Manchester United iyo Everton ayaa indhaha ku haya daafaca heerka caalami ee dalka Talyaaniga Angelo Ogbonna.
Xidiga 24 jirka ah daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Torino, ayaa wax-tar libaax leh lasoo baxay labadii sano ee ugu dambeysay, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey inay mar kale kusoo laabto Serie A.
Ogbonna, ayaa heysata dhalashada dalka Italy laakiin wuxuu kasoo jeedaa Nigeria, wuxuuna Turino kula jiraa qandaraas ah ilaa 2015, kaasoo lagu bur-burin karo aduun lacageed dhan 16 milyan oo ginni.
Sidoo kale Angelo ayaa ka ciyaari kara daafaca qadbada bidix, waxaana loogu yeeray xulka Italy intii uu kooxdiisa ugu ciyaarayey Horyaalka heerka labaad Serie B.
Macalimiinta xafiiltanku uu ka dhexeeyo Alex Ferguson iyo David Moyes ayaa hada qorsheynaya inay daawadaan Ogbonna kulanka kooxdiisa Turino ay maanta la ciyaareyso Inter Milan — qaab ciyaareed qanciya labada macalin wuxuu ku muteysan karaa inuu Janaayo usoo dhaqaaqo Horyaalka ugu xiisaha badan aduunka England Premier League.
Macalin Moyes ayaa waqti dheer lala xiriirinaayey xidigaan dhirikiisu yahay 6 Feet iyo 2 Inches. Ka dib sedax xilli ciyaareed oo uu sameynaayey Horumaro is daba joog ah.
“Ogbonna dhibaato kuma heyso inuu la qqabsado English football.”Sidaas waxaa laga soo xigtay Dalka Taliyaaniga.










