Man utd oo doonayso goolhaye Asmir Begovic.

Dhaliye December 8, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :479
Kooxda Man utd ayaa waxay doonaysaa inay lacago dhan 8 milyan ay kula soo wareegto xidiga kooxda Stoke ee Asmir Begovic.

Xidigaan oo ah gool haye ayaa waxaa lagu heli karaa lacag ka yar 10 milyan isla markaasna ay doonaysaa inay ku badasho booska gool haye David De Gea ama Andres Lindegaard.

Tababaraha kooxda Man utd Sir Alex Fergusen ayaa siinaya fursad gool hayahan Asmir Begovic kaas oo uu u arko inuu kaga bixi karo dhibaatada dhanka gool hayenimada ah.

De Gea oo 22 jir ah ayaa kooxda Man utd kusoo iibsatay si qamaar ah oo ay kala soo wareegtay kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain.

Gool hayahan Asmir Begovic waa xidig dheer 6 fiit iyo 7inji kaas oo si weyn ula qabsaday kubada cagta ingiriiska isla markaasna ciyaaro wanagsan kasoo bandhigay kooxda.

Asmir Begovic waa 25 jir u dhashtay dalka Bosnia wuxuna yahay mid ilaa hadda la dib marsiiyay oo laga dhaliyay 15 gool 15 kulan oo kooxda Stoke oo heerkeeda daafaca uu aad u liito isla markaasna uu ka bad baadiyay kubado badan oo lala soo dhaafay daafacyada koxdas.

Tababaraha kooxda Stoke Tony Pulis ayaa shaaca ka qaaday in ciyaryahankaan uusan iibin doonin bisha January inkastoo xiriir fiican uu kala dhaxeeyo kooxda Man utd hadana waa ay adkaanaysaa sidii ay ku lumin lahaayeen ciyaaryahankaan.

“waa mid wanaagsan marka ay koox weyn kusoo dalbato ama ay ku xiiseenayso ayuu yiri Asmir Begovic.

Wuxuu intaas kusii daray Asmir Begovic”waa sii joogayaa halkaan waxaa kula jiraa hishiis dhan sadex sano iyo bar waxaana rabaa inaan guulo la qeybsado kooxda.

 

Leave A Response »