Man United Oo Loo Sheegay Inay Bixiyaan £72 Milyan Hadii Ay Doonayaan Modric, Baines Iyo Tiote.

Dhaliye June 4, 2012 0

Waxaa Akhrisatay :1580
Manchester United ayaa loo sheegay inay bixiyaan 72 milyan oo ginni hadii ay doonayaan inay soo xero geliyaan xagaaga ciyaaryahanada kala ah Luka Modric, Leighton Baines iyo Cheick Tiote, sida ay daabacday jariirada Mail on Sunday.

Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu inoo xoojiyo oo uu dhiig cusub ku soo darro qadkiisa dhexe, halka sidoo kale uu raadinayo bedelkii Patrice Evra.

Lakiin sida Mail on Sunday ay qortay tababaraha United ayaa ka biyo diidsan inuu bixiyo 32da milyan ginni ee ay Tottenham ku dooneyso Modrid, ama 20ka milyan ginni ee ay Everton iyo Newcastle ku doonayaan Baines iyo Tiote.

 

“Waxaan wax ka weydiinay xaalada seddexda ciyaaryahan kooxahooda” ayuu qirtay xubin ka tiran United oo aan la magacaabin oo ay soo xigatay Mail on Sunday.

“Lakiin Sir Alex Ferguson diyaar uma ahan inuu bixiyo lacagahaas waalida ah” ayuu hadalkiisa raaciyay qofkaas u hadlay jariirada maalinta axada soo baxda ee ay leedahay Daily Mail.

Ferguson ayaa u ambabaxay fasaxiisa sannadlaha isagoo tagay koonfurta France, waxaana uu sugi doonaa ilaa iyo inta uu ka fiirsanayo fursadaha kale ee u banaan ee uu dib ugu soo dhisi karo United.

Leave A Response »