Waxaa Akhrisatay :720
Madaxda kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa waxay xilligaan shaaca ka qaadeen inay lacago aan caadi ahayn, ay farqaha ugu shubayaan tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger.
Agaasimaha Guud ee Kooxda Arsenal Ivan Gazidis ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in 150 milyan oo ay ka helayaan Shirkada Diyaaradaha ee Fly Emirate, ay farqaha ugu shubayaan tababaraha Arsenal.
Lacagtaan ayaa wuxuu sheegay inay taageerayaasha kooxda Arsenal ugu soo bandhigi doonaan Garoonka Fly Emirates, oo uu taasi kala jeedo inay ku soo iibsanayaan ciyaartoy tayo iyo khibradba leh.
Agaasimaha ayaa wuxuu xusay in xilligaan kooxda Arsenal ay ballaarineyso wax yaabaha ay ku soo bandhigto Garoonka Fly Emirates, waxaana arintaasi loo fasirtay in Arsenal ay xoogga saari doonto, sidii ay koobab ku hanan laheyd.
Maamulka Arsenal iyo Fly Emirates ayaa waxay dhawaan ay kordhiyeen heshiiska funaanada Arsenal loogu xayeeysiiyo magaca Fly Emirates, ilaa laga gaaraayo xilli ciyaareedka 2018-2019.
Labada dhinac ayaa sidoo kale gaaray heshiis ku aadan xayeeysiiska ay Arsenal garoonkeeda ugu sameyso magaca Fly Emirates, kaasoo gaaraaya ilaa sanadka 2028-ka, waxayna Arsenal sanadka kastaa ay ku qaadaneysaa adduun lacageed oo gaaraaya 30 milyan oo Gini.











W w w viva arsenal and jack wilshere
Waa arin wanagsan balse umalayn mayo in uu arse wenge kafaidaysanayo waayo waa baqeyl
Wlh wa arin farxadweyn xunbarsan insha allah wu kafa ideysan donaa wana macalin qibrad ule suxulista ciyartoytha qibrada ulle banoniga